Taiwan oo meel kaga dhacday madax-banaanida Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

TAIPEI, Taiwan – Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Joseph Wu, ayaa Arbacadda maanta ah wuxuu sheegay in ay xafiis wakiileed ka furan doonan Hargeysa, caasimadda maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilli uu soo xumaanayo cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee xukuumaddaha Taipei iyo Beijing.

Wu ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu kuoo qoray in ay la galeen Somaliland heshiis ku saabsan in ay yagleelaan xiriir fiican.

Joseph Wu oo ku xadgudbay midnimadda iyo wadajirka Soomaaliya ayaa "dal" ku tilmaamay Somaliland oo dunida ay u aqoonsan tahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Taiwan ayaa xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah waxay la leedahay 15 waddan, inkasta o cadaadis uu kaga imaanayo Shiinaha oo u aqoonsan Jaziirad dhulkiisa kamid ah isla markaana aanan ahayn waddan madax-banaan.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse illaa iyo haatan ma aysan helin ictiraaf caalami ah.

Wadahadalo lagu xalinayo tabashooyinka keenay in ay go'aankaas qaataan siyaasiyiintooda ayaa sideedii sano ee lasoo dhaafay dhacay; shirkii u dambeeyay wuxuu bishii lasoo dhaafay dib uga bilowday Jamhuuriyadda Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ansixiyay heshiis taariikhi ah oo Sacuudiga u oggolaanaya inuu yeesho barnaamij nukliyeer

Heshiiska cusub, ayaa la filayaa in loo gudbiyo Kongareeska Mareykanka si dib u eegis loogu sameeyo.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 11:00AM

Dagaalka Iran oo Mareykanka ku kacay $37.5 bilyan, Pentagon-ka oo dalbaday lacag dheeraad ah

Qiyaastii $67 bilyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa loogu talagalay howlgalada militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay madaxa Pentagon-ka.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 09:30AM