Talaabooyin ka dhan ah Ruushka oo la dhaqan-gelinayo

Image
New Zealand waxa ay hore u awooday oo kaliya in ay dhaqangeliso cunaqabataynta Golaha Ammaanka.

BARLIN, Germany – Dowladda New Zealand ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in ay soo saari doonto sharci u ogolaanaya in ay soo saarto cunaqabatayntii ugu horreeyay ee ka dhan ah maamulka Ruushka ka dib markii uu duulaan ku galay Ukraine.

Ra'iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa sheegtay in cunaqabateyntan ay siin doonto dalka awood uu ku xayiro hantida Ruushka ee New Zealand taalla, loogana hortago dadka iyo shirkadaha in ay lacagahooda iyo hantidooda ka rartaan dalka si ay uga baxsadaan cunaqabateynta ay ku soo rogaan dalal kale, iyo joojinta maraakiibta waaweyn, doomaha iyo diyaaradaha. gelitaanka biyaha ama hawada New Zealand.

Ardern ayaa sidoo kale soo saaray liiska 100 qof oo laga mamnuucay inay u safraan New Zealand.

New Zealand waxa ay hore u awooday oo kaliya in ay dhaqangeliso cunaqabataynta markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo rogay. Golaha Ammaanku ma awoodaan inay cunaqabatayn ku soo rogaan Ruushka maadaama Ruushku awood u leeyahay inuu diido.

Ardern ayaa sheetay in dowladda lagu qasbay inay soo bandhigto sharciga cusub sababta oo ah xaddidaadda nidaamka dhinacyada badan ee hadda jira.

"Ugu dambayntii haddii aanaan yeelan lahayn gole ammaan oo ka shaqayn badan, marka hore ma aannu wajahayno arrintan," ayuu yidhi Ardern.

Dhanka kale, Kuuriyada Koonfureed ayaa go'aansatey in ay jarto la macaamilka bangiga dhexe ee Ruushka oo ay joojiso hanti kasta oo uu bangigu haayo, taas oo ah talaabadii ugu dambeysay ee waddanku uu ugu biiray dadaalka wadamada reer galbeedka ee lagu kordhinay cunaqabateynta ka dhanka ah Moscow.

Wasaaradda maaliyadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa soo saari doonta tafaasiil dheeri ah, oo ay ku jiraan baaxadda cunaqabataynta dheeriga ah ee “ay la jaanqaadi doonta cunaqabataynta maaliyadeed ee Maraykanka,” sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa sidaasi ku sheegay qoraal.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Seoul ay goor sii horeysay ku dhawaaqday in ay mamnuuceyso dhoofinta alaabada istaraatiijiga ah, ka xannibi doonto qaar ka mid ah bangiyada Ruushka nidaamka lacag bixinta caalamiga ah ee SWIFT, iyo kor u qaadida gargaarka Ukraine.

Shayada la xaddiday waxaa ka mid noqon doona elektiroonigga, semiconductors, kombiyuutarada, macluumaadka iyo isgaarsiinta, dareemayaasha yo qalabka badda iyo hawada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM

Cabsi dagaal oo ka taagan Buurhakaba kadib khilaaf ka dhex qarxay maamulka Koonfur Galbeed

Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto iska horimaadyo hubeysan.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 02:13PM