Taliban oo dishay 22 ka tirsanaa kumaandooska Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan - Taliban ayaa si toos ah u toogtey 22 ka tirsan ciidamada kumaandooska Afghanistan ee ku sugan magaalada Dawlat Abad ee gobolka Faryab xilli ay isku dayayeen in ay isa soo dhiibeen, sida uu baahiyey telefishinka CNN.

Toogashaddan ayaa16-kii Juun waxay ka dhacday Faryab, oo ah gobol ku dhow xadka Afghanistan ay la wadaagto Turkmenistan. Muuqaalo kala duwan oo goobta laga soo duubay waxay xaqiijiyeen dhacdadan.

Askartan la dilay ayaa ka tirsaneyd cutub katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Afghanistan. Kadib dagaal qaraar oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan magaalada, kumaandooska oo ka dhamaaday rasaasta ayaa waxaa hareereeyay dagaalyahanada Taliban, sidda ay soo wariyeen goobjoogayaal kala duwan.

Mid kamid ah muuqaaladda ayaa muujinaya dagaalyahanada Taalibaan oo oranaya "Is dhiib, kumaandooska, is dhiiba". Ciidamadda waxaa hareereeyay dhowr dagaalame oo aad u hubeysan.

Muuqaal kale oo dhererkiisu yahay 45-ilbiriqsi ayaa muujinaya qof meesha jooga oo la maqli karo isagoo ku hadlaya luqadda Pashto ee maxalliga ah, "Ha tooganina, ha toogan, waxaan kaa baryayaa in aadan toogan".

Qof kale oo goobta taagnaa ayaa wuxuu waydiinayaa su'aal ah "Sidee baad u tahay Afghanistaan adiga oo dilaya Pashtun?". Pashtuns waa qowmiyadaha ugu waaweyn bulshooyinka ku dhaqan dalka Afghanistan.

Muuqaalo kale oo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa waxay muujinayaan meydadka kumaandooska oo ku kala firirsan suuqa dibedda kuwaas oo kalkii dambe la qaadey. Si dhab ah looma caddeyn karo meesha la geeyay.

Afghanistan ayaa todobaadyaddii lasoo dhaafay waxaa kasoo cusboonaadey colaado iyo iska-hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamadda iyo xoogaga Taliban iyadda oo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay ku baxayaan askarta ajaaniibta oo Mareykanka ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM