Taliban oo dishay 22 ka tirsanaa kumaandooska Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan - Taliban ayaa si toos ah u toogtey 22 ka tirsan ciidamada kumaandooska Afghanistan ee ku sugan magaalada Dawlat Abad ee gobolka Faryab xilli ay isku dayayeen in ay isa soo dhiibeen, sida uu baahiyey telefishinka CNN.

Toogashaddan ayaa16-kii Juun waxay ka dhacday Faryab, oo ah gobol ku dhow xadka Afghanistan ay la wadaagto Turkmenistan. Muuqaalo kala duwan oo goobta laga soo duubay waxay xaqiijiyeen dhacdadan.

Askartan la dilay ayaa ka tirsaneyd cutub katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Afghanistan. Kadib dagaal qaraar oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaan magaalada, kumaandooska oo ka dhamaaday rasaasta ayaa waxaa hareereeyay dagaalyahanada Taliban, sidda ay soo wariyeen goobjoogayaal kala duwan.

Mid kamid ah muuqaaladda ayaa muujinaya dagaalyahanada Taalibaan oo oranaya "Is dhiib, kumaandooska, is dhiiba". Ciidamadda waxaa hareereeyay dhowr dagaalame oo aad u hubeysan.

Muuqaal kale oo dhererkiisu yahay 45-ilbiriqsi ayaa muujinaya qof meesha jooga oo la maqli karo isagoo ku hadlaya luqadda Pashto ee maxalliga ah, "Ha tooganina, ha toogan, waxaan kaa baryayaa in aadan toogan".

Qof kale oo goobta taagnaa ayaa wuxuu waydiinayaa su'aal ah "Sidee baad u tahay Afghanistaan adiga oo dilaya Pashtun?". Pashtuns waa qowmiyadaha ugu waaweyn bulshooyinka ku dhaqan dalka Afghanistan.

Muuqaalo kale oo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa waxay muujinayaan meydadka kumaandooska oo ku kala firirsan suuqa dibedda kuwaas oo kalkii dambe la qaadey. Si dhab ah looma caddeyn karo meesha la geeyay.

Afghanistan ayaa todobaadyaddii lasoo dhaafay waxaa kasoo cusboonaadey colaado iyo iska-hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamadda iyo xoogaga Taliban iyadda oo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay ku baxayaan askarta ajaaniibta oo Mareykanka ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM