Taliban oo garoon lagu ciyaaro Kubadda Cagta ku toogatay laba ruux

Image
Garoonka xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa ku sugnaa qoysaskii dhibanayaasha oo diiday in la cafiyo labada nin.

Kabul (GO) - Maamulka Taliban ayaa xukun dil ah ku fuliyay labo nin oo lagu helay inay dil geysteen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Labadan nin ayaa lagu toogtay garoon ku yaala magaalada Ghazni, halkaasi oo ay isugu soo baxeen kumanaan rag ah oo goob joog u ahaa fulinta xukunka.

Atiqullah Darwish oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maxkamada sare ayaa yiri: "Labada qof waxaa lagu xukumay dil ka dib maxkamad socotay laba sano, waxaana saxiixay amarka dilka hogaamiyaha ugu sareeya ee Taliban, Hibatullah Akhundzada."

Garoonka xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa ku sugnaa qoysaskii dhibanayaasha oo diiday in la cafiyo labada nin.

Tan iyo markii Taliban ay xukunka ku soo laabatay Agoosto 2021, laba dil toogasho ayaa laga fuliyay gudaha Afghanistan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM