Taliban oo go'aan kasoo saartay heshiiska ay la gashay Mareykanka

Image

KABUL, Afghanistan - Hoggaamiyaha Taliban ayaa maanta sheegay in mintidiinta ay ka go’an tahay ilaalinta heshiiska taariikhiga ah ee ay la galeen Mareykanka, inkasta oo lagu eedeeyey inay fuliyeen kumanaan weerar oo Afghanistan ka dhacay tan iyo markii heshiiska la saxiixay.

Haibatullah Akhundzada, oo soo saaray farriin la xiriirta ciidul fitriga, ayaa ugu baaqay Mareykanka “inaysan lumin” fursadda uu yaboohay heshiiska ee lagu soo geba-gebeynayo dagaalkii ugu dheeraa taariikhda Mareykanka.

“Imaaradda Islaamiga ah waxaa ka go’an heshiiska ay la gashay Mareykanka, waxayna ku boorineysa dhinaca kale inuu sharfo ballankooda, islamarkaana uusan ogolaan in fursaddan muhiimka ah ay lunto,” ayuu Akhundzada ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Waxaan ku borinayaa saraakiisha Mareykanka inaysan cidna u ogolaan fursad ay isku hortaagto, dib ugu dhigto, ugu dambeynna ku carqaladeyso heshiiska caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee u dhaxeeya labada dhinac.”

Kadib bilo wada-hadallo ah, Taliban iyo Mareykanka ayaa bishii Febraayo saxiixday heshiis ogolaanaya in ciidamada Mareykanka ay ugu dambeyna sanadka dambe ka baxaan Afghanistan, taa beddelkeedna ay helaan damaanad qaad amni.

Sida uu dhigayo heshiiska, Taliban ayaa ogolaatay inay joojiso weerarada ka dhanka ah ciidamada ajnabiga ah, hase yeeshee waxay weli sii waddaa weerarada ka dhanka ah ciidamada Afghanistan.

Saraakiisha Afghanistan ayaa ku warramay in tan iyo markii la saxiixay heshiiska, ay Taliban fuliyeen 3,800 oo weerar oo lagu dilay 420 qof oo shacam ah, islamarkaana lagu dhaawacay 906 oo kale.

GO + VOA

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM