Taliban oo iska hor-leexisay khatartii ku foorartay xukunkeeda

Image
Dhanka kale, dagaalameyaal ka tirsan Taliban ayaa lagu waramay in ay toogteen haweeney boolis ah.

KABUL, Afghanistan - Taliban ayaa la wareegtay gobolka Panjshir oo ahayd meesha kaliya ee illaa hada laga mucaaraday. Afhayeenkeeda Zabihullah Mujahid WUXUU sheegay in guushan ay ka dhigan tahay dhamaadka dagaalka Afghanistan.

Zabihullah Mujahid ayaa sidoo kale wuxuu xusay in ay soo dhawdahay ku dhawaaqista dowlad Islaami ah kadib 20 sano oo wadanka ka jiray Maamul reer galbeedka taageersan.

Dhanka kale, dagaalameyaal ka tirsan Taliban ayaa lagu waramay in ay toogteen haweeney boolis ah oo ku sugneyd magaala madaxda gobol, sida ay BBC -da u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Haweeneydan oo magacaabi jiray Banu Negar ayaa waxaa lagu dilay guriga ay qoyskeeda ku sugnaayeen oo ku yaala Firozkoh, oo ah caasimadda gobolka Ghor ee dhaca bartamaha dalkaas.

Dilka ayaa imanaya iyadoo ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in ay sii kordhayso caburinta haweenka Afghanistan. Daalibaan ayaa BBC -da u sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn geerida Negar, ayna baarayaan dhacdadan.

Afhayeen Zabiullah Mujaheed ayaa yiri: "Waan ka warqabnaa dhacdadan waxaanan xaqiijinayaa in Taliban aysan dilin, baaritaankayagu wuu socdaa".

Wuxuu intaas ku daray in Taliban ay mar hore ku dhawaaqday cafis ay u fidinayso dadkii u shaqayn jiray maamulkii hore, waxayna dilka Negar ay la xiriiriyeen "cadaawad shaqsiyeed ama wax kale". Ma jirto koox kale oo dusha saaratay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM