Taliban oo digniin culus kasoo saartey halis cusub

Image

KABUL — Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan ayaa ka digay halista wax uu ugu yeeray “daba-dhilifyada iyo jaajuusiinta ku dhex jira” kooxdaas dhowaan qabsatay dalka Afghanistan.

Ayada oo ay caddeyn u tahay heerka ay gaarsiisan tahay halistan, ayaa Haibatullah Akhundzada waxa uu soo saaray bayaan qoran oo nadir ah, wuxuuna taliyayaasha Taalibaan siiyey amar ah inay sifeeyaan talisyadooda.

Waxa uu yiri “dhammaan odayaasha kooxda waa inay eegaan talisyadooda oo ay arkaan haddii ay jiraan kuwa aan la garaneyn oo ka shaqeynaya wax ka dhan ah rabitaanka dowladda, kadibna sida ugu dhaqsaha badan lagu cirib-tiraa.”

“Khalad kasta oo dhaca, odayaasha ayaa mas’uul ka ah cawaaqibkiisa dunida iyo aakhiraba,” ayuu ka digay Haibatullah Akhundzada oo qoraalkiisa lasoo dhigay cinwaano dhowr ah oo Taaliibaan ay ku leedahay twitter.

Taalibaan ayaa tan iyo markii ay dalka dib u qabsatay bishii August, waxay kooxda kusoo dartay xubno dhowr ah oo isugu jiray mucaarad iyo dowladdii hore.

Waxay hadda wajaheysaa weeraro dhowr ah oo kaga imanaya kooxda Daacish ee Khorosan.

Talaadadii, ugu yaraan 19 qof oo uu ku jira taliye ka tirsanaa Taalibaan ayaa lagu dilay weerar isugu jiray qarax iyo rasaas, oo ay sheegatay Daacish, kaasi oo ka dhacay isbital militari oo ku yaalla Kabul.

Taalibaan ayaa rumeysan inay jiraan shaqsiyaad ku dhex jira kooxda oo ka shaqeynaya wax ka dhan rabitaankeeda.

Dhinaca kale Haibatullah Akhundzada ayaa ku amray taliyayaasha kooxda inay hagaajiyaan dhaqanka askartooda kadib markii toddobaadkii tegay xubno sheegtay inay yihiin Taalibaan ay weerareen xaflad aroos ayaga oo diidan music laga shiday, halkaasi oo dhowr qof lagu dilay.

“Taliyayaasha cutubyada waa inay qaataan waqtigooda oo ay la fariistaan dagaal-yahanada cusub, kana shaqeeyaan hagaajinta dhaqankooda iyo dabeecadahooda, si mujaahidiinta ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan taliyahooda,” ayuu yiri.

AFP

Related Articles

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM