Taliban oo ku dhaqaaqday arin ka careysiisay reer Galbeedka

Image

KABUL — Dowladda cusub ee Taliban ee dalka Afghanistan ayaa sida muuqata xirtay wasaaradda arrimaha haweenka, waxayna ku beddeleen wasaarad ujeedkeedu yahay kor u qaadista akhlaaqda iyo ka-hortagga xumaha.

Iridda hore ee dhismaha ay deganeyd wasaaradda arrimaha haweenka ee Kabul, ayaa Jimcihii laga taagay calaamad cusub oo sheegaysa in wixii hadda ka dambeeya ay xarun u noqoneyso “Wasaaradda Wacyigalinta, Hanuuninta, Faafinta Wanaagga iyo Ka-hortagga xumaha.”

Taliban ayaa sidoo kale dhismaha wasaaraddan ka saartay shaqaalihii barnaamijka xoojinta dhaqaalaha haweenka, kaas oo 100 milyan oo dollar uu ku maalgalliyay Bangida Adduunka, sida uu xaqiijiyay Sharif Akhtar oo ka mid ahaa dadkii sida khasabka ah looga saaray dhismaha wasaaraddii hore ee haweenka.

Bayaan ay soo saartay Sabtidii wasaaradda waxbarashada ee ay maamusho Taliban ayaa lagu yiri, "Dhammaan macallimiinta iyo ardayda waa inay tagaan xarumahooda waxbarasho."

Bayaankan laguma xusin haween macallimiinta ah ama arday dumar ah.

Arrimahan ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee Taliban ay ku xaddideyso xuquuqda haweenka tan iyo markii qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Kabul, inkasta oo ay hore u sheegeen inay yaraan doonaan xayiraadaha haweenka iyo gabdhaha.

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

Israel oo markale weerari doonta Iran

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 11:07AM