Taliban oo ku dhaqaaqday arin ka careysiisay reer Galbeedka

Image

KABUL — Dowladda cusub ee Taliban ee dalka Afghanistan ayaa sida muuqata xirtay wasaaradda arrimaha haweenka, waxayna ku beddeleen wasaarad ujeedkeedu yahay kor u qaadista akhlaaqda iyo ka-hortagga xumaha.

Iridda hore ee dhismaha ay deganeyd wasaaradda arrimaha haweenka ee Kabul, ayaa Jimcihii laga taagay calaamad cusub oo sheegaysa in wixii hadda ka dambeeya ay xarun u noqoneyso “Wasaaradda Wacyigalinta, Hanuuninta, Faafinta Wanaagga iyo Ka-hortagga xumaha.”

Taliban ayaa sidoo kale dhismaha wasaaraddan ka saartay shaqaalihii barnaamijka xoojinta dhaqaalaha haweenka, kaas oo 100 milyan oo dollar uu ku maalgalliyay Bangida Adduunka, sida uu xaqiijiyay Sharif Akhtar oo ka mid ahaa dadkii sida khasabka ah looga saaray dhismaha wasaaraddii hore ee haweenka.

Bayaan ay soo saartay Sabtidii wasaaradda waxbarashada ee ay maamusho Taliban ayaa lagu yiri, "Dhammaan macallimiinta iyo ardayda waa inay tagaan xarumahooda waxbarasho."

Bayaankan laguma xusin haween macallimiinta ah ama arday dumar ah.

Arrimahan ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee Taliban ay ku xaddideyso xuquuqda haweenka tan iyo markii qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Kabul, inkasta oo ay hore u sheegeen inay yaraan doonaan xayiraadaha haweenka iyo gabdhaha.

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM