Taliban oo NGO-yada ku amartey in ay shaqada ka joojiyaan dumarka

Image
Amarkan oo degdeg u dhaqan-galaya waa talaabadii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah xorriyadda dumarka.

KABUL, Afgaanistaan - Mas'uuliyiinta Taalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa waxay amar degdeg ah ku siiyay dhammaan hay'adaha aan dawliga ahayn ee maxalliga ah iyo kuwa ajnabiga ah (NGO-yada) inay shaqada ka joojiyaan haweenka shaqaalaha ah.

Sida lagu sheegay warqad ka soo baxday wasaaradda dhaqaalaha, go'aankan ayaa u dhaqan-galaya si degdeg ah. Waa ololihii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah xorriyadda dumarka.

Warqadda, oo uu xaqiijiyay afhayeenka wasaaradda dhaqaalaha, Abdulrahman Xabib Sabtidii, ayaa lagu caddeeyay in haweenka shaqaalaha ah aan loo ogolayn inay shaqeeyaan illaa amar dambe.

Fahfaahinta warqadda ayaa xusay in qaar kamid ah gabdhaha u shaqeeya hay'adaha aan dowliga ahayn "aysan raacin tarjumaadda maamulka ee nidaamka dharka Islaamka ee haweenka".

Warqadda ayaa lagu lagu nuux-nuux-sadda in NGO kasta oo lagu helo in uusan u hoggaansamin amarka lagala noqon doono shatiga shaqo ee Afgaanistaan.

Amarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Taalibaan ay amar ku bixisey in jaamacadaha laga xiro dumarka, taasoo keentay cambaareyn xooggan oo caalami ah, waxaana ka dhashay dibadbaxyo iyo dhaleecayn xooggan gudaha Afgaanistaan.

In kasta oo markii hore ballanqaaday xeer dhexdhexaad ah oo ixtiraamaya xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, Taliban waxay si ballaaran u hirgelisay fasiraadda shareecada Islaamka tan iyo markii ay la wareegeen awoodda Ogosto 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM