Taliban oo u dabaaldegtay bixitaanka askarta Ameerika

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Kooxda hubeysan ayaa la wareegtay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha Kabul.

KABUL, Afghanistan - Kooxda Taalibaan ayaa si buuxda la wareegtey maamulka garoonka diyaaradaha caasimada Afganistan ee Kabul kadib markii ay baxeen ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka.

Afhayeen u hadlay kooxda wuxuu sheegay in "dowlada Islaamiga ah ee Afghanistan ay hadda xor tahay madax-banaan tahayna. Guushan waa iska leh dadka oo dhan," ayuu raaciyey.

Dagaalameyaasha Taalibaan ayaa rasaas dabaaldeg ah hawada u tuuray markii ay duushay diyaaradii ugu dambeysay ee siday askarta Ameerikaanka ah ee ku sugnaa waddankaas.

Isagoo warfidiyeenka kula hadlayay madaarka, afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa yiri: “Wax shaki ah kama qabno in Imaarada Islaamiga Afghanistan ay tahay qaran xor ah oo madaxbannaan".

"Ameerika waa laga adkaaday… anigoo ku hadlaya magaca qarankeyga, waxaan rabnaa inaan xiriir wanaagsan la yeelano adduunka intiisa kale," hadalkiisa intaas kusii daray.

Dadweynaha reer Afgaanistaan ​​ayuu cod dheer ugu balanqaadey "inay ilaalin doonaan xorriyaddeenna, madaxbannaanideena iyo guud ahaan qiyamka Islaamka".

Goor sii horeysay, Frank McKenzie, madaxa taliska dhexe ee Mareykanka, ayaa ku dhawaaqay in ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay ka duuleen Kabul wax yar ka hor saqdii dhexe ee waqtiga maxalliga (19:30 GMT).

"Ma aanan soo saarin qof walba oo aan rabnay in aan kaxeyno. Laakiin waxaan u maleynayaa haddii aan sii joogi lahayn 10 maalmood oo kale, ma bixi doonno qof walba oo aan rabno inaan ka baxno," ayuu xusay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wuxuu u muddeeyay 31-ka bisha Ogosto in ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Afghanistan waxaana muuqanaysa in uu dhaqan-geliyey talaabadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM