Taliban oo "ugaarsi ku bilowday" dadka la shaqeeyay ajnabiga

Image

KABUL, Afghanistan - Dukumiinti qarsoodi ah kana baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Taalibaan ay xoojinayso baadi goobka dadka ay rumeysan yihiin inay la shaqeeyeen ciidamada Mareykanka iyo NATO.

Meelaha ay ka raadinayaan ayaa la sheegay in ay kamid tahay dadka tirada badan ee buux-dhaafiyey garoonka diyaaradaha Kabul, sida ay warisay majalaadda afka dheer ee New York Times.

Dukumentiga oo uu bixiyey la-taliyaha qiimeynta halisaha UN-ka ayaa intaas ku daraya in ay jiraan warbixino badan oo sheegaya in Taalibaan ay hayso liiska dadka ay doonayaan in ay su'aalaan oo ay ciqaabaan.

Sidoo kale, waxay xusayaan in Taalibaan ay gurigooda ugu tagaan dadkaas "si ay u soo xiraan ama ugu hanjabaan inay dilayaan ama xirayaan xubnaha qoyska dadka la beegsadey haddii aysan isu dhiibin Taliban".

Wargeyska The Times oo aan kala caddeyn haddii ay jiraan shaqsiyaad illaa haatan la xiray ama la handadey ayaa daaha ka rogay in dukumentiga ay UN -ka siisay Xarunta Falanqaynta Caalamiga ah ee Norway.

Dhanka kale, Taliban ayaa illaa haatan ka jawaabin sheegashooyinkan oo kusoo beegmaya xilli ay horey uga dhawaajisay in ay cafis guud u fidisay dhamaan qof kasta oo kasoo horjeestay intii dagaaladu socdeen.

Si lamid ah warbixinadan ayaa kusoo aadaya xilli ay soo baxayaan warbixino ku saabsan in dadka reer Afghanistan ay bilaabaan in xogtooda ka saaraan website-yada hay'adaha reer Galbeedka oo ay la shaqeeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM