Kooxda Taliban oo xirtey ajaaniib "xadaysa" dhagaxaan qaali ah

Image
Afgaanistaan ​​ayaa ku fadhida qiyaastii $1 trillion oo macdan dhuleed naadir ah.

KABUL, Afgaanistaan - Taliban ​​ayaa xiray shan nin oo ay ku jiraan labo u dhashay Shiinaha, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay dalka ka dhoofiyaan qiyaastii 1,000 metrik ton oo dhagxaanta Lithium-ka ah.

Xariga shaqsiyaadkan iyo qabsashada dhagxaanta qaaliga ah ayaa laga sameeyay magaalada Jalalabad ee xuduudka bari ee dalka Afgaanistan, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Saraakiisha sirdoonka Taliban oo la hadlay telefishinada gudaha ayaa sheegay in muwaadiniinta Shiinaha iyo ragga kale ee reer Afgaanistaan ay qorsheeyeen inay si sharci darro ah "dhagaxaan qaali ah" ugu qaadaan Shiinaha iyagoo sii maraya Pakistan.

Mohammad Rasool Aqab, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee Afgaanistaan, ayaa ku qiyaasay in dhagxaanta "ay ku jiraan ilaa 30% lithium".

"Waxay ahaayeen kuwa si qarsoodi ah oo laga soo saaray aagga Nuristan iyo Kunar, oo ah laba kamid ah dhowr gobol oo Afgaanistaan ​​​​ah oo ku teedsan xadka Pakistan," ayuu raaciyay.

Taliban ayaa mamnuucday soo saarista iyo iibinta lithiumka tan iyo markii ay dib ula wareegeen taladda Afgaanistaan ​​​​Ogosto 2021 ka dib markii dhammaan ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ka baxeen dalka.

Afgaanistaan ​​ayaa ku fadhida qiyaastii $1 trillion oo macdan dhuleed naadir ah, oo ay ku jiraan kayd badan oo lithium ah, laakiin tobanaan sano oo dagaal ah waxay ka hortageen horumarinta macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM