Taliska Booliiska Pakistan oo waaran xarig u jaray Imran Khan

Image
Guddiga Doorashada ayaa Khan ku eedeeyay in xisbigiisa uu heley lacago sharci daro ah oo dibedda uga yimid.

ISLAMABAD, Pakistan - Booliiska Pakistan ayaa tagay guriga uu ka degenyahay magaalada Lahore Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Imran Khan, iyaga oo doonaya in ay soo xiraan kadib dacwado kala duwan oo laga gudbiyay hoggaamiyahan saamaynta badan.

Imran Khan oo 70 jir ayaa laga gudbiyay dacwado kala duwan oo gaaraya 70 dacwadood oo isugu jira musuq, argagixisinimo iyo kuwa kale.

Booliiska Lahore ayaa sheegay in Imran Khan uu ka dhuumanayo in la xiro, wuxuuna ku eedeysanyahay shaqsiyan dacwado la xiriira hadiyado dowlado shisheeye kaga heley, islamarkaasna uusan ku wargalinin guddiga doorashada.

Imran Khan ayaa codka kalsoonida looga qaaday codbixin dhacday sanadkii hore, wixii markaasi ka dambeeyayna waxa ay is hayeen xisbiga kale ee talada dalka la wareegay.

Xisbiga Imran oo lagu magacaabo PTI ayaa sheegay in dacwadaha lagu soo oogey hoggaamiyahooda ay yihiin kuwa siyaasadeysan oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda xisbigooda.

Dacwadaha waxaa ka mid ah mid Khan lagu soo oogay bishii Agoosto ee sanadkii hore oo la xiriirta argagixisanimo kadib markii uu meel fagaaro ah ka eedeeyay booliiska iyo haweenay garsoore ah oo xukun ku ridday mid ka mid ah taliyeyaashiisa.

Guddiga Doorashada ayaa Khan ku eedeeyay in xisbigiisa uu heley lacago sharci daro ah oo dibedda uga yimid, waxaana arrintan ay horseedi kartaa in gebi ahaanba laga mamnuuco ka qeybgalka siyaasadda sida uu qabo sharciga dalkaasi.

Xisbigiisa ayaa horkacaya mudaaharaadyo waaweyn oo lagu dalbanayo doorashooyin waqtigooda kasoo hormara, iyaga oo caqabadaha hadda jira ku eedeynaya dowladda Maraykanka iyo farogalin shisheeye wallow xukuumadda Islamabad ay gaashaanka ku dhufatay arrinkaas. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM