Taliyaha Ciidamada Israel oo shaaca ka qaaday inta uu qaadan doono dagaalka Qasa

Image
Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka Qasa uu sii socon doono muddo bilo ah.

QASA (GO) - Taliyaha ciidamada Israel Herzi Halevy ayaa maanta sheegay in dagaalka Qasa uu sii socon doono muddo bilo ah.

Halevy ayaa ku yiri bayaan lagu daabacay mareegga ciidamada Israel:

“Waxaan hadda ka soo tagay marinka Qaza oo aan kula kulmay dagaalyahano jooga waqooyiga marinka Qasa. Waxaan aad ula dhacay qaabka ay ciidamadu u dagaalameen, una shaqeeyeen, ugana gaareen hadafkii aan u dhignay.”
.
Halevy ayaa intaas ku daray: “Ciidamada Israel ayaa ku dhow inay soo afjaraan burburinta ciidamada Xamaas ee ku sugan waqooyiga Marinka Qasa.”

“Waxaan meesha ka saarnay argigixiso iyo horjoogayaal badan oo qaarkood ay isu soo dhiibeen ciidamadeena, boqolaalna waan qabanay. Waxaana burburinay goobo badan oo dhulka hoostiisa laga dhisay.” ayuu ku soo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM