Tarjumaan badbaadiyey Biden oo ka baxsaday Afghanistan

Image

Tarjumaan gacan ka geystay badbaadinta madaxweynaha Mareykanka Joe Biden xilli uu duufaan baraf ku qabsaday Afghanistan 2008, ayaa isaga iyo qoyskiisa waxay ka baxsadeen Afghanistan, kadib markii ay toddobaadyo ka dhuumanayeen Taalibaan, waxaa sidaas xaqiijisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Kadib markii isaga iyo qoyskiisa ay dhinaca dhulka ka galeen Pakistan, Aman Khalili iyo qoyskiisa ayaa waxaa magaalada Doha ee dalka Qatar loogu duuliyey diyaarad ay leedahay dowladda Mareykanka, sida uu afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda u sheegay AFP.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa goor sii horeysay sheegay in Aman, xaaskiiska iyo caruurtiisa, ay caawimaad ka heleen askar hore oo Mareykan ah iyo dad Afghan-Mareykan ah.

Sanadii 2008, Khalili ayaa ahaa tarjumaan u shaqeynayey ciimada Mareykanka, markii Biden oo xilligaas ahaa Senator, islamarkaana ay wehliyeen laba senator oo kale Chuck Hagel iyo John Kerry, ay booqdeen Afghanistan.

Markii duufaan baraf uu ku qasbay diyaarad helicopter oo ay la socdeen inay cago dhigato meel baadiye ah, Khalili ayaa ku biiray ciidan militari ah oo ka tegay saldhigga Bagram, oo ugu tegay buuraha si ay u badbaadiyaan.

Saddex iyo toban sano kadib, Khalili ayaa awoodi waayey in codsigiisa ahaa inuu u haajiro Mareykanka la ansixiyo kahor inta aanay Taalibaan dib u qabsan dalkaas.

“Hello, Mudane Madaxweyne: Badbaadi aniga iyo qoyskeyga,” ayaa laga soo xigtay Khalili oo la hadlay wargeyska Wall Street Journal dhammaadkii August, markii lasoo geba-gebeeyey daad-gureynta 120,000 oo qof oo laga soo qaaday Afghanistan.

Ayada oo ka jawaabeysa, ayaa afhayeenka Aqalak Cad Jen Psaki waxay sheegtay in dowladda ay caawin doonto.

“Waan kasoo saari doonnaa. Waan sharfi doonnaa adeegaagga,” ayey tiri.

AFP

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM