Tedros “Somalia dan ammaan ayaan u joognaa” [Dhagayso]

Image

10 November, 2015(GO)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Tedros Adhanom ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee howlgallada Nabadeed u jooga Somalia iyo Suudaanta Koonfureed ay yihiin kuwo dalalkaa ku jooga rabitaanka shacabka Ethiopia iyo danaha ammaanka Ethiopia iyo kan gobolka. 

Mr. Tedros ayaa waxa uu wareysi gaar ah siiyay Laanta af-amxaariga ee idaacadda VOA-da, wareysigaasi oo ay Wasiirka Arrimaha dibadda la yeelatay Tizita Belachew. 
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia waxa uu sheegay in dadka Ethiopia aysan dowladdooda ula shaqeyn oo kaliya in xuquuqda dad la mid ah oo meelo kale oo gobolka ah ku nool, balse waxey doonayaan buu yiri inay nabad ku nooladaan oo ay horumaraan.
 
“Ma suuragali laheyn inaan awood u yeelanno inaan caawinno dalalka deriska ah ee ay dhibaatada ka jirto – haddii shacabka Ethiopia uusan nagu taageersaneyn” ayuu yiri.

Mar wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia ayey wariyeheenna Tizita weydiisay waxa uu ula jeedo taageerada shacabka, waxa uu yiri “Tageerada shacabka waxey salka ku heysaa sidaan horey kuugu sheegay doonista nabad iyo horumar, dadka Ethiopia waxey doonayaan nabad gobolka ka islaaxda.Waxaana dadaaladeenna u kaashannaa beesha caalamka”.

Haddii buu yiri ay soo baxdo arrin halis ku ah amnigeena dadka ayaa inoo sheega inaguna waan ku tallaabsanaa sidii aan wax uga qaban laheyn. 

Waxa uu yiri “Shacabka Ethiopia waxay la shaqeeyaan ciidamada Ethiopia , Maxaa yeelay ammaankooda ayaa walaac ku haya, tusaale kooxda Al-Shabab ee Somalia waxey weeraro ka fuliyaan dalal deris la ah Ethiopia, laakiin kuma dhacaan Ethiopia”.

Xigasho: VOA

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM