Tedros “Somalia dan ammaan ayaan u joognaa” [Dhagayso]

Image

10 November, 2015(GO)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Tedros Adhanom ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee howlgallada Nabadeed u jooga Somalia iyo Suudaanta Koonfureed ay yihiin kuwo dalalkaa ku jooga rabitaanka shacabka Ethiopia iyo danaha ammaanka Ethiopia iyo kan gobolka. 

Mr. Tedros ayaa waxa uu wareysi gaar ah siiyay Laanta af-amxaariga ee idaacadda VOA-da, wareysigaasi oo ay Wasiirka Arrimaha dibadda la yeelatay Tizita Belachew. 
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia waxa uu sheegay in dadka Ethiopia aysan dowladdooda ula shaqeyn oo kaliya in xuquuqda dad la mid ah oo meelo kale oo gobolka ah ku nool, balse waxey doonayaan buu yiri inay nabad ku nooladaan oo ay horumaraan.
 
“Ma suuragali laheyn inaan awood u yeelanno inaan caawinno dalalka deriska ah ee ay dhibaatada ka jirto – haddii shacabka Ethiopia uusan nagu taageersaneyn” ayuu yiri.

Mar wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia ayey wariyeheenna Tizita weydiisay waxa uu ula jeedo taageerada shacabka, waxa uu yiri “Tageerada shacabka waxey salka ku heysaa sidaan horey kuugu sheegay doonista nabad iyo horumar, dadka Ethiopia waxey doonayaan nabad gobolka ka islaaxda.Waxaana dadaaladeenna u kaashannaa beesha caalamka”.

Haddii buu yiri ay soo baxdo arrin halis ku ah amnigeena dadka ayaa inoo sheega inaguna waan ku tallaabsanaa sidii aan wax uga qaban laheyn. 

Waxa uu yiri “Shacabka Ethiopia waxay la shaqeeyaan ciidamada Ethiopia , Maxaa yeelay ammaankooda ayaa walaac ku haya, tusaale kooxda Al-Shabab ee Somalia waxey weeraro ka fuliyaan dalal deris la ah Ethiopia, laakiin kuma dhacaan Ethiopia”.

Xigasho: VOA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM