Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Image

BANGKOK, Thailand – Thailand ayaa bilaawday duqeymo hawada ah meelaha ay muranku ka taagan yahay ee xuduuda ay la wadaagto Cambodia, iyada oo labada dhinacba ku eedeeyeen midba midka kale in uu jebiyay heshiiskii joojinta dagaalka ee sanadkan hore la gaaray.

Wasaaradda Gaashaandhigga Thailand ayaa sheegtay in in ka badan 35,000 qof ay ka barakaceen deegaanada ku dhow xuduuda, iyada oo la rumeysan yahay in qaar kale ay u carareen xoolo dhaqato ama eheladooda meelaha kale.

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

Bishii Luulyo, khilaafaadkii muddo dheer soo jiitamayay ee xuduuda ayaa isku beddelay shan maalmood oo dagaal ah, taas oo ay ku dhinteen boqolaal askar iyo rayid ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa labada dal ee Koonfur-bari Aasiya ku riixay bishii Oktoobar inay saxiixaan heshiis joojin dagaal, laakiin xiisaddu weli way sii jirtaa. Ra’iisul Wasaaraha Thailand, Anutin Charnvirakul, ayaa khudbad telefishan ah ku sheegay in hawlgallo milatari la fulin doono sida lagama maarmaanka u ah difaaca dalka iyo ilaalinta ammaanka bulshada.

“Thailand waligeed ma doonin rabshad. Waxaan mar kale ku celinayaa in Thailand waligeed dagaal ama duulaan aan bilowday uusan jirin, laakiin waligeed ma aqbali doonto in lagu xad-gudbo madaxbannaanideeda,” ayuu yiri.

Heshiiska joojinta dagaalka ee u dhexeeya Thailand iyo Cambodia ayaa si xun u carqaladeysan bilowgii Noofambar kadib markii ciidanka Thailand ay ku dhaawacmeen dhulka la miinoobay, taas oo keentay in Thailand ay ku dhawaaqdo in ay si aan waqti loogu xirmin u joojineyso fulinta heshiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM