Thailand oo yeelatay Ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa

Image
Paetongtarn, oo 37 jir ah, ayaa noqonaysa hogaamiyihii saddexaad ee Thailand oo ka soo jeeda qoyska Shinawatra.

LONDON, UK - Baarlamaanka Thailand ayaa u doortay Paetongtarn Shinawatra, oo ah gabadha ugu yar ee uu dhalay hogaamiyihii hore ee Thaksin Shinawatra, inay noqoto ra'iisul wasaaraha cusub ee dalka Jimcaha maanta ah.

Paetongtarn, oo 37 jir ah, ayaa noqonaysa hogaamiyihii saddexaad ee Thailand oo ka soo jeeda qoyska Shinawatra, ka dib aabaheed oo afgambi xilka lagaga tuuray ka hor intii aanay dib uga soo laaban sannadkii hore, iyo eedadeed Yingluck Shinawatra, oo musaafuris ku nool.

Waa hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Pheu Thai balse ma ahayn xildhibaan la doortay.

Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa labo maalmood ka hor xilka ka qaaday ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyay sababo la xiriira ku xad-gudub dhanka anshaxa ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM