Tirada askarta Ruushka looga dilay dagaalka Ukraine oo la shaaciyay
LONDON, United Kingdom - Tirada militariga Ruushka ee ku dhimatay Ukraine ayaa hadda dhaaftay 50,000 oo askari, sidda ay warisay BBC-da.
BBC-da Ruushka, kooxda warbaahinta madaxa banaan ee Mediazona iyo mutadawiciin ayaa tirinayey dhimashada tan iyo bishii Febraayo 2022.
Xabaalo cusub oo laga qodey meelo ay kamid tahay duleedka caasimada Moscow ayaa gacan ka geystay in la helo magacyada askar badan.
In ka badan 27,300 oo askari oo Ruush ah ayaa ku dhintay sannadkii labaad ee dagaalka - sida ku cad baaritaanka warbaahinta BBC-da.Ruushku wuu diiday inuu ka hadlo kiiskan.
Tirada guud ee dhimashada - in ka badan 50,000 - ayaa sideed jeer ka badan qirashada rasmiga ah ee dadweynaha ee tirada dhimashada ee waligeed ay soo bandhigtay Moscow Sebtembar 2022.
GAROWE ONLINE