Tirada dadka ku dhintay daadadkii Liibya oo la xaqiijiyay

Image

TRIPOLI, Liibya - Wakaaladda wararka ee ِAnadol ayaa sheegtay in ilaa 2,800 oo qof ay ku dhinteen daadad ku soo rogmaday magaalooyinka bariga Liibiya oo ay sabab u tahay duufaanta “Daniel” ee ku dhufatay dalkaas subaxnimadii Axadda.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha madaxtinimada Liibiya ayaa lagu sheegay in magaalooyinka, Shahat, Al-bayda iyo Darna ay yihiin goobo ubaahan gurmad degdeg ah.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray golaha ayaa lagu yiri: "Anagoo ka duulayna dhibaatadan baaxadda leh, waxaan ka codsaneynaa dalalka walaalaha iyo saaxiibada ah iyo hay'adaha caalamiga ah inay gargaar u fidiyaant."

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay hal maalin uun ka dib dhulgariirkii ku dhuftay gobolka Al Haouz ee dalka Marooko, kaas oo ay ku dhinteen 2,800 oo qof, sida lagu sheegay tirakoobkii ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM