Tirada Dadka Ku Dhintay Marinka Qasa oo Kordhay

Image
Israa’iil ayaa saacadihii la soo dhaafay xasuuq ba’an ka geysatay Qasa.

QASA (GO) - Wasaaradda Caafimaadka Qasa ayaa ku dhawaaqday in tirada dadka ku dhintay duulaanka Israel ayaa kor u dhaaftay 19,667, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 52.6 kun oo qof tan iyo 7dii Oktoobar.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa intaa ku daray in ciidamada Israa’iil ay saacadihii la soo dhaafay 17 xasuuq ba’an ka geysteen dhammaan deegaannada marinka Qasa.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in horraantii maanta, ciidammada Israa’iil ay xero ciidan u beddeleen Isbitaalka Al Cawda ee dhaca woqooyiga marinka Qasa, waxayna xireen agaasimihiisii ​​iyo 240 qof oo ku sugnaa Isbitaalka.

Tan iyo 7-dii Oktoobar, ciidamada Israa’iil waxa ay dagaal ba’an ku hayaan Qasa kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur ballaaran oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha, iyo musiibo bini’aadantinimo oo aan horay loo arag, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM