Tirada dadka ku dhintay Qasa oo kor u dhaaftay 21 Kun oo qof

Image
Ciidamada Israa’iil ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay gaysteen ilaa 18 xasuuq.

QASA (GO) - Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in tirada dhimashada ay gaartay 21,110, halka kuwa ku dhaawacmayna ay gaarayaan 55,243, taasoo ka dhalatay duqeymaha Israa’iil ay ka waddo marinka Qasa tan iyo 7-dii October.

Wasaaraddu ayaa sheegtay in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, in ay 241 qof ku dhinteen duulaanka, iyaga oo intaas ku daray: “24-kii saac ee la soo dhaafay ciidamada Israa’iil waxa ay gaysteen ilaa 18 xasuuq oo ka dhan ah qoysas dhan, waxaana ku dhintay 241 shahiid, 382 kalena way ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa kordhiyey beegsiga ay ku hayaan agagaarka xarunta caafimaadka ee Naasir, ilo-wareedyo caafimaad oo ku sugan Qaza ayaa muujiyay cabsida ay ka qabaan inay dib loo geysto xasuuqii ka dhacay xarunta caafimaadka ee Al-Shifa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM