Tirada dadka ku dhintay Qasa oo kor u dhaaftay 5 kun

Image

QASA - Tirada dhimashada Marinka Qasa ee ka dhalatay duqeynta joogtada ah ee Israa’iil ayaa kor u dhaaftay shan kun tan iyo markii uu dagaalka bilowday 7-dii October, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka َQasa.

Wasaaraddu waxay ku sheegtay hadal kooban oo uu soo saaray afhayeenkeeda, Ashraf Al-Qudra, in tirada guud ee dhibanayaasha falastiiniyiintu ay gaareen 5,078, oo ay ku jiraan 2,055 carruur ah,"

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday, in 436 Falastiiniyiin ah, oo ay ka mid yihiin 182 carruur ah lagu dilay duqeymaha Israa’iil 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dhinacooda, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay duqeeyeen in ka badan 320 bartilmaameedyo militari ah oo ku yaala Marinka Qasa, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tirada dadka ku dhintay Marinka go’doonsan ayaa sii kordhaya, iyo sidoo kale baaqyada ku aadan in la helo gargaar dheeri ah si loo yareeyo culeyska dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka taagan Marinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM