Tirada dadka sanadkii u dhinta sunta rasaasta oo la shaaciyey

Image
Hay'adda caafimaadka aduunka ayaa soo bandhigtey tirokoob rasmi ah iyadda oo ay ku jiraan caruur badan.

NEW YORK, United States - Qiyaastii 1 milyan oo qof ayaa u dhinta sameyn sanadkiiba halka malaayiin kale oo badankoodu ay caruur yihiin ay la kulmaan heerarka hoose ee macdanta rasaasta, taasoo keenta dhibaatooyin caafimaad oo cimrigooda oo dhan ah, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

"Saamaynta caafimaad ee ka imanaysa sunta rasaasta waxaa ka mid ah dhiig-yarida, dhiig-karka, difaaca jirka, iyo sunta xubnaha taranka," ayay WHO ku sheegtay bayaan ay soo saartay, iyadoo xustay toddobaadka ka hortagga sunta rasaasta ee caalamiga ah ee 10-aad (ILPPW).

WHO ayaa hoosta ka xariiqday in saamaynta neerfaha iyo hab-dhaqanka sunta rasaasta ay noqon karaan "mid aan laga noqon karin" taasoo ka dhigan in waxyeeladeedu daran tahay.

"Sunta rasaasta waxay si gaar ah khatar ugu tahay maskaxda soo koraysa ee carruurta waxayna keeni kartaa hoos u dhaca garaadka qiyaasta (IQ), fiiro gaar ah, daciifnimada awoodda waxbarashada, iyo khatarta korodhka dhibaatooyinka dabeecadda," ayay tiri Dr. Maria Nera, madaxa deegaanka ee WHO, isbeddelka cimilada iyo qaybta caafimaadka.

Haweenaydan oo hadalkeeda sii wadata ayaa raacisay "Dhibaatooyinkan laga hortagi karo ee maskaxda carruurta waxay keenaysaa khasaare naxdin leh oo suurtagal ah".

"Maya ku-sumowga rasaasta" waa mowduuca 10-aad ee caalamiga ah ee toddobaadka ka-hortagga sunta rasaasta si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan ku-sumowga rasaasta iyo dhiirigelinta dhammaan waddamada inay qaadaan tallaabo looga hortagayo soo-gaadhista rasaasta, gaar ahaan carruurta.

Sunta rasaasta waxa ay sun u tahay habab badan oo jireed, oo ay ku jiraan hab-dhiska dhexe ee neerfayaasha iyo maskaxda, hab-dhiska taranka, kelyaha, hab-dhiska wadnaha, habka dhiigga, iyo hab-dhiska difaaca. Dhamaan arrimahan waxay muhiim u yihiin bad-qabka qofka bini'aadamka ah gaar ahaan in uu cimrigiisa waaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM