Tirada dadka uu Covid-19 ku dilay Mareykanka oo ku dhow 130,000

Image

WASHINGTON, US – Tirada dhimashada Covid-19 ee Mareykanka ayaa qarka u saaran in ay gaarto 130,000 xilli waddankaan uu soo koobay dabaaldegyadiisa maalinta Xoriyadda ee Julaayo 4-teeda, 2020.

Kiisaska ayaa ka badan 2.8 milyan, iyaddoo gobolada Florida iyo Texas ay maalin qura diiwaan-geliyeen ku dhowaad 20-kun oo xaaladood, taas oo walaaca dadweynaha gaarsiisay meel aad u sareysa.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada uu sidda ba'an u aafeeyay xanuunka gaar ahaan dhaqaalaha wuxuu marayaa heer hoose, arrintaas oo cadaadiska ku kordhineysa maamulka Donald Trump.

Guud ahaan caalamka, kiisaska ayaa maraya 11.18 milyan, halka 6.03 milyan oo bukaano ah ay bogsadeen xilli 528,000 ruux ay u dhinteen, sidda ay ka dhawaajisay Jaamacadda Johns Hopkins.

Dhanka kale, hay'adda caafimaadka aduunka ayaa sheegtay in ay meel wanaagsan mareyso baadigoobka daawada cudurkan faafa; dedaalada lagu doonayo in lagu soo saaro talaalka ayay xustay in ay waddo.

Tobanaan shirkado, hay'addo iyo machadyo ayaa ku lug leh dedaalada ay maalgelinayaan qaar kamid ah dowlada caalamka.

Ugu dambeyntii, Brazil ayaa xaqiijisay in kiisaskeeda Coronavirus ay dhaafeen 1.5 milyan isla markaana dhimashadda ay ku dhow-dahay 65,000, waxaana ay amar ku bixisay in la bixiyo maqaayadaha iyo jiimamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM