Tirada dagaalameyaasha Xisbullah oo lasoo bandhigay

Image
Dibadbax lagu dalbanayey inuu is-casilo garsoore Tarek Bitar ayaa Khamiistii isku rogay rabshado hubeysan.

BEIRUT, Lebonan — Hoggaamiyaha Xizbullah ayaa sheegay in dhaq-dhaqiisa uu haysto 100,000 oo dagaal-yahan “oo tababaran islamarkaana hubeysan,” isaga oo hadlayey kadib rabshadihii dhimashada lahaa ee toddobaadkii tegay ka dhacay magaalada Beirut.

Hassan Nasrallah oo jeediyey khudbad laga sii daayey taleefishinka ayaa ku eedeeyey xisbiga Kirishtanka Lubnaan ee LF inay ka dambeeyeen dilka toddoba xubnood oo ka tirsan kooxdiisa iyo kooxda ay Shiicada ah ee ay xulufada yihiin ee Amal, kuwaas oo lagu dilay dibadbax dhacay Khamiistii.

"Waxaa markii ugu horeysay qasab igu ah inaan ku dhowaaqo tiradan,” ayuu yiri Hassan Nasrallah oo sharxaya shaac ka qaadista tirada dagaal-yahanadiisa, taasi oo uu sheegay inuu uga dan leeyahay “inuu ka hortago dagaal, ee aanu ku hanjabeyn dagaal sokeeye.”

Nasrallah ayaa hadlayey ayada oo ay sare u kacday xiisadda ka taagan Lubnaan ee ka dhalatay garsoore loo magacaabay inuu baaro qaraxii sanadkii tegay ka dhacay dekeedda Lubnaan, kaasi oo ay ku dhinteen 210 qof, islamarkaana dhaawacay kumanaan kale.

Rabshadaha ayaa Khamiistii ka qarxay Beirut kadib markii taageerayaasha Xizbullah iyo Amal ay dhigeen dibadbax ay ku dalbanayaan inuu is-casilo garsoore Tarek Bitar.

Xizbullah iyo Amal ayaa ku eedeeyey dadka wax toogta ee xisbiga Kirishtanka ee LF inay billaabeen dagaalka.

Hase yeeshee hoggaamiyaha LF, Samir Geagea ayaa beeniyey, wuxuuna sheegay in dadka degan xaafadda Kirishtanka ee Ain al-Remmaneh “ay iska difaaceen maleeshiyo ka tirsan Xizbullahi oo isku dayey inay galaan guryahooda.”

Nasrallah ayaa ku baaqay baaritaan go’aan looga gaaro cidda mas’uul ka ah dhiigga daatay isaga oo yiri “Sababtoo ah ma aqbali karno in dhiigga walaalaheen uu dhulka ku daato, innaga oo aan waxba sameyn.”

AFP + VOA

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM