Tirada dhimashada Ciidamada Israa’iil ee Qasa oo korortay

Image

QASA (GO) - Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in laba askari ay uga dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyada ka dhacay gudaha marinka Qasa.

Tirada guud ee askarta Israa’iil ee lagu dilay Marinka tan iyo markii ay Israa’iiliyiintu billaabeen howlgallada dhulka ayaa kor u dhaaftay 34 askari.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay gabi ahaanba hareereeyeen magaalada Qasa, iyagoo u arkayay inay tahay xarunta ugu weyn ee “Xms”, ciidamada ayaa sheegay in ay ku sii siqayaan bartamaha magaalada oo ay dadku ku badan yihiin.

Dhinaca kale, “Xms” ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahanadooda ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM