Tirada dhimashada dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya oo korortay

Image
Cunug yar ayaa laga soo saaray bur-burka dhismayaasha kadib markii uu 152-saac ku hoos-jiray.

ANKARA, Turkey - Dadka ku geeriyoodeey dhul-gariirkii todobaad kahor ruxay koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya ayaa gaartay in ka badan 34 kun oo qof, sidda ay tabisay warbaahinta maxaliga.

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay bilawday baaritaan sal-balaaran oo ay ku ogaanayso in ay jireen gaabisyo xagga tayada dhismayaasha ah iyo in dadka aan digniin badan la siinin.

Wasaaradda cadaalada ee Turkiga ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay in ka badan 100 qandaraasle dhisme iyada oo lagu eedeeyay in ay wax ku dhiseen agab tayadoodu hooseyso.

Cunug yar ayaa laga soo saaray bur-burka dhismayaasha hoostooda kadib 152 saac oo ay socdeen hawlaha bad-baadinta iyo gurmadka, sidda ay muujiyeen sawirro ku faafay internet-ka.

Hay'adda Laanqeyrta Cas ayaa waxay daaha ka qaadey in ay sii wadayaan hawlaha qodista dhismayaasha bur-buray hoostooda inkasta oo ay aad u hooseyso rajada lagu heli karo dadka kale oo nool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM