Tirada dhimashada dhul-gariirka Turkiga iyo Suuriya oo korortey

Image
Soomaaliya ayaa aduunka ugu qaylo-dhaamisay in ay gargaar ku garab-istaagaan labadan dal.

ANKARA, Turkey - Kooxaha samatabbixinta ayaa si waali ah u shaqaynaya kadib markii dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 7.8 uu ku dhuftay koonfurta bari ee Turkiga iyo waqooyiga Suuriya, sida ay sheegtay Associated Press.

Sidda laga soo xigtey warbixintan wakaaladda wararka laga leeyahay Mareykanka, dhul-ruxankan ayaa waxa uu burburiyey dhismayaal waxaana ku dhintay in ka badan 4,000 oo qof

Saraakiisha Turkiga iyo Suuriya ayaa xusay inay filayaan in tirada dhimashadu ay kor u kacdo, iyagoo ugu baaqay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah inay gargaar la soo gaaraan.

Wadamo badan, ayaa iyaguna u tartamay inay geeyaan kooxaha samatabbixinta, gargaar iyo qalab. Soomaaliya ayaa aduunka ugu qaylo-dhaamisay in ay gargaar ku garab-istaagaan labadan dal.

Dalka Turkiga oo kaliya, in ka badan 5,600 oo dhismo ayaa la burburiyay, sida ay daabacdey wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xigatay mas'uuliyiin maxali ah.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa xusay in 224 dhisme oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Suuriya ay burburiyeen ugu yaraan 325 kalena ay waxyeello soo gaartay, oo ay ku jiraan bakhaaro gargaar.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa halkaas bil kasta ka caawinaysay 2.7 milyan oo qof iyada oo loo marinayo dhalmada xudduudaha, taas oo hadda dhul-gariirka uu waxyeelo gaarsiiyey.

Dhul-gariirkii ugu horreeyay ee xoogganaa wuxuu dhacay ka hor waaberiga, habeen roobaad iyo baraf da'ay. Waxaa laga dareemay meelo fog fog sida Qaahira, Qubrus, Lubnaan iyo xitaa Greenland iyo Denmark wallow khasaaro jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM