Tirada dhimashada Dhulgariirkii Afqaanistaan oo korortay

Image

KAABUL - Tirada dhimashada dhul gariirada isxigxiga ee ku dhuftay gobolka Herat ee galbeedka Afqaanistaan ​​sabtidii ayaa gaartay ku dhawaad ​​2,500 oo qof, waana dhulgariirkii ugu xooganaa ee muddo sanado ah ka dhaca dalka buuraleyda ah ee u nugul dhulgariirrada.

Afhayeenka wasaaradda musiibooyinka ee xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan, Janan Sayed, ayaa sheegay in dhimashadu ay gaareyso 2,445 dhimasho iyo in ka badan 2,000 oo dhaawac ah.

In ka badan 1,300 oo guri ayaa qayb ahaan ama gabi ahaanba ku burbureen dhul-gariiradaasi, xilli kooxaha gurmadka iyo samatabixinta ay la tacaalayaan wax ka qabashada baahiyahaas iyo soo kabashada dhibbanayaasha iyo dhaawacyada ku hoos jira guryaha burburay.

Maamulka gobolka Herat ayaa ku tilmaamay khasaaraha ka dhashay dhulgariirka mid naxdin leh, warbaahinta maxalliga ah, oo soo xiganaysa bisha cas ee Afgaanistaan, ayaa ku warrantay in ilaa 12 tuulo oo ka tirsan gobolka Herat ay gebi ahaanba burbureen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM