Tirada dhimashada duqeymaha Israa'iil ee Gaza oo kordhay

Image
Xabad joojin iyo dhex-dhexaadin ay ku hawlan yihiin dowladaha gobolka ayaan wali miro-dhalin.

DOOXA, Qadar - Marinka go'doonsan ee magaaladda Gaza ee dhulka Yahuuda xoogga ku haysato ayaa waxaa ku socda duqeymaha ay halkaasi ay ka gaysanayaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamadda Israel.

WasaaraDda caafimaadka ee Falastiin oo bayaan soo saartey ayaa ku dhawaaqday in tirada dhimashada tan iyo intii ay duqeymuhu bilawdeen ay yihiin 33 dhimasho ah.

Dhankooda, kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa sii wada gantaalaha ay ku ridayaan gudaha Israel iyada oo lasoo warinayo in khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Magaalada Casqalaan ayaa laga maqlay gantaalaha dhawaqooda iyada oo tan iyo 2014 ay kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiintu ku guulaysteen in ay duqeeyaan meel kasta oo kamid ah gudaha Israel.

Xabad joojin iyo dhex-dhexaadin ay ku hawlan yihiin dowladaha gobolka ayaan wali miro-dhalin iyada oo ay sheegeen kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiintu in ay diyaar u yihiin dagaal muddo bilooyin ah socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM