Tirada Dhimashada Falastiiniyiinta oo dhaaftay 11 kun

Image
Breaking News

Gaza-Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay gaartay 11240 (kow iyo toban kun, labo boqol iyo afartan).

Xafiiska Warfaafinta ee Gaza ayaa sheegay in ay ku jiraan dadka lagu dilay duqeymaha Israel, 4630 (afar kun lix boqol iyo sodon) Caruur ah iyo 3130 ( sadex kun boqol iyo sodon) Haween ah.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Dhakhaatiirta ku Geeriyooday duqeymaha ay gaareen 198 (boqol sagaashan iyo sideed) dhakhtar 21 (labaatan iyo kaw) kamid ah kooxaha gurmadka deg-dega ah.

Sidoo oo kale 21 (labaatan iyo kaw) saxafi ayaa lagu dilay duulaanka iyada oo sidoo kale ay ku baabe'een qoysaska wariyayaal.

Qoyska wariyaha Aljazeera, Waail Daxduux oo ay kamid yihiin Xaaskiisi iyo caruurtiisi ayaa ku le'day duqeyn ay Israel la beegsatay gurgooda iyada oo lagu eedeeyay in ay ogaayeen in gurga ay qoyskaas rayidka ah ku jiraan.

Qaramada midoobay ayaa ku celisay dhowr mar in la hirgeliyo xabad joojin Deg-deg ah iyo jidad gar-gaarka loo mariyo rayidka go'doonsan balse taasi waxay noqotay mid kusoo dhamaatay jid awdan oo aan lahayn ka hoos qaad.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM