Tirada dhimashadda dhul-gariirka waddanka Turkiga oo sarre u kacdey

Image

ANKARA, Turkey – Tirada dadka Turkiga uga dhintay dhulgariirkii Jimcihii ka dhacay badda Aegean ayaa gaartay 76, sidda ay sheetay Hay’ada Maareynta Musiibooyinka iyo Gurmadka ee dalka [AFAD] dalkaas.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed ay AFAD u dirtay warfidiyeenka maxaliga, qiyaastii 1,044 dhul-ruxan kale ayaa tan iyo goortaas laga soo wariyey aagga, waxaana 43 kamid ah uu cabirkoodi ka sareeyay 4.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in 962 qof ay ku dhaawacmay kuwaasoo 743 kamid ah ay dib ugu laabteen guriyahooda taasoo la macno ah in 219 kale ay wali baaqi ku yihiin isbitaalka laguna daawenayo halkaas.

Kooxaha gurmadka ayaa wadda howla samata bixin iyaddoo laga cabsi qabo in dad kale ay ku hoos-jiraan dhimeyaasha burburay. Sidoo kale, waxaa barbar socda dedaalo lagu taakuleynayo rayidka dhibaatadu gaartey.

Dhul-gariirka oo loo aqoonsaday mid kamid ah kuwii ugu xooganaa taariikhda casriga ee guud ahaan waddankaas iyo caalamka ayaa si gaar ah u sameeyay Izmir oo ah magaaladda saddexaad ee ugu balaaran Turkiga.

Dadka laga soo badbaadiyey dhacdadan rabaaniga ah waxaa ku jira oday 71-sano jir ah iyo tabar 14-jir ah kuwaasoo hubin caafimaad maray.

Turkiga ayaa kamid ah wadamadda u nugul dhul-gariirada marka laga hadlayo aduunka, waxaana horey uga dhacay musiibooyin noocaan oo kale kuwaasoo galaaftay nolosha boqolaal, hanti badana ay ku burburtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM