Tirada dhimashadda dhul-gariirka waddanka Turkiga oo sarre u kacdey

Image

ANKARA, Turkey – Tirada dadka Turkiga uga dhintay dhulgariirkii Jimcihii ka dhacay badda Aegean ayaa gaartay 76, sidda ay sheetay Hay’ada Maareynta Musiibooyinka iyo Gurmadka ee dalka [AFAD] dalkaas.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed ay AFAD u dirtay warfidiyeenka maxaliga, qiyaastii 1,044 dhul-ruxan kale ayaa tan iyo goortaas laga soo wariyey aagga, waxaana 43 kamid ah uu cabirkoodi ka sareeyay 4.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in 962 qof ay ku dhaawacmay kuwaasoo 743 kamid ah ay dib ugu laabteen guriyahooda taasoo la macno ah in 219 kale ay wali baaqi ku yihiin isbitaalka laguna daawenayo halkaas.

Kooxaha gurmadka ayaa wadda howla samata bixin iyaddoo laga cabsi qabo in dad kale ay ku hoos-jiraan dhimeyaasha burburay. Sidoo kale, waxaa barbar socda dedaalo lagu taakuleynayo rayidka dhibaatadu gaartey.

Dhul-gariirka oo loo aqoonsaday mid kamid ah kuwii ugu xooganaa taariikhda casriga ee guud ahaan waddankaas iyo caalamka ayaa si gaar ah u sameeyay Izmir oo ah magaaladda saddexaad ee ugu balaaran Turkiga.

Dadka laga soo badbaadiyey dhacdadan rabaaniga ah waxaa ku jira oday 71-sano jir ah iyo tabar 14-jir ah kuwaasoo hubin caafimaad maray.

Turkiga ayaa kamid ah wadamadda u nugul dhul-gariirada marka laga hadlayo aduunka, waxaana horey uga dhacay musiibooyin noocaan oo kale kuwaasoo galaaftay nolosha boqolaal, hanti badana ay ku burburtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM