Tirada gantaallada ay North Korea tijaabisay sanadkan

Image
Pyongyang ayaa bishii hore tijaabisay gantaalkeedii ugu horeeyay ee qaaradaha isaga gudba (ICBM) tan iyo 2017.

PYONGYANG, Kuuriyada Waqooyi - Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaall ballistic-ga ah u ridday dhanka xeebta bari, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan milatariga Kuuriyada Koonfureed.

Talaabaddan ayaa kusoo aadaysa qiyaastii toddobaad ka dib markii ay North Korea ay sheegtay in ay ku horumarin doonto awooddeeda nukliyeerka "xawaaraha ugu dhakhsaha badan".

Tijaabintan waa tii 14-aad ee hubka ee Kuuriyada Waqooyi sanadkan, waxaana uu imaanaysaa wax ka yar hal toddobaad ka hor inta aan xafiiska loo dhaarin madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol, oo ah muxaafid.

Pyongyang oo wajahaysa cawaaqibka cunaqabateynta reer galbeedka ayaa bishii hore tijaabisay gantaalkeedii ugu horeeyay ee qaaradaha isaga gudba (ICBM) tan iyo 2017.

Falkan ayaa, sidda ay sheegeen falanqeeyeyaasha, waxay kor ugu qaadaysaa cadaadiska dublamaasiyadeed ee saaran dalalka jaarka ah ee gobolka iyo Maraykanka.

Toddobaadkii hore, hoggaamiyaha awoodda badan ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ballan qaaday inuu dardargelin doono horumarinta hubka nukliyeerka ee dalkiisa.

Mr Un oo ka hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowlada hadalkaas sheegay isaga oo daawanaya dhoola-tus ciidan oo aad u ballaaran oo lagu xusayay sannad-guurada ka soo wareegtay aasaaska ciidanka.

Wadahadalada ka joojinta nukliyeerka ee Mareykanka iyo North Korea ayaa wali hakad ku jira iyaddoo laga walaacsan yahay in Pyongyang laga yaabo inay dhawaan tijaabiso hubka nukliyeerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM

Dagaallo Dib Uga Qarxay Galbeedka Yemen, 16 Askari oo Dowladda ka Tirsan oo La Dilay

Inkastoo heshiis xabbad-joojin ah oo ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay la gaaray sanadkii 2022 uu hakiyay dagaalladii waaweynaa.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 05:21AM