Tirada geerida duqeymaha Yahuuda ee Gaza oo ku dhow 28-kun

Image
24-kii saac ee lasoo dhaafay, Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa waxay sheegtay in ciidamada Israa’iil ay 107 qof.

DOOXA, Qadar - Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee ka dhashay duqeymaha Israa’iil ee dhulka Falastiin ay gaartay 27,947 tan iyo 7-dii Oktoobar.

Ugu yaraan 67,459 Falastiiniyiin kale ayaa ku dhaawacmay weeraradan oo isugu jira kuwa toos ah, toogashooyin iyo duqeymo ay geysanayaan taangiyada iyo diyaaradaha Yahuuda.

24-kii saac ee lasoo dhaafay, wasaaraddu ayaa waxay sheegtay in ciidamada Israa’iil ay 107 qof ku dileen 142 kalena ay ku dhaawaceen isla gudaha magaalada Qaza.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku amray militariga inay dejiyaan qorshe labada aag ee rayidka looga saarayo magaalada Rafah iyo la dagaalanka Xamaas.

Amarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo ergayga Qaramada Midoobay ee Falastiin uu su’aal ka keenay halka dadka rayidka ah laga daadgureynayo haddii qorshahan uu fulo.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in kala bar 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah “ay hadda ku xayiran yihiin Rafah oo aan lahayn meel ay aadaan”.

Guterres oo adeegsanaya luuqad aad u adag ayaa waxa uu si ballaaran uga digay in barokacayaasha “aysan lahayn guryo” iyo “in ay wajahayaan xaalad rajo la’aan ah taasoo walwal leh”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM