Tirada geerida duqeymaha Yahuuda ee Gaza oo ku dhow 28-kun

Image
24-kii saac ee lasoo dhaafay, Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa waxay sheegtay in ciidamada Israa’iil ay 107 qof.

DOOXA, Qadar - Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee ka dhashay duqeymaha Israa’iil ee dhulka Falastiin ay gaartay 27,947 tan iyo 7-dii Oktoobar.

Ugu yaraan 67,459 Falastiiniyiin kale ayaa ku dhaawacmay weeraradan oo isugu jira kuwa toos ah, toogashooyin iyo duqeymo ay geysanayaan taangiyada iyo diyaaradaha Yahuuda.

24-kii saac ee lasoo dhaafay, wasaaraddu ayaa waxay sheegtay in ciidamada Israa’iil ay 107 qof ku dileen 142 kalena ay ku dhaawaceen isla gudaha magaalada Qaza.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku amray militariga inay dejiyaan qorshe labada aag ee rayidka looga saarayo magaalada Rafah iyo la dagaalanka Xamaas.

Amarkan ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo ergayga Qaramada Midoobay ee Falastiin uu su’aal ka keenay halka dadka rayidka ah laga daadgureynayo haddii qorshahan uu fulo.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in kala bar 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah “ay hadda ku xayiran yihiin Rafah oo aan lahayn meel ay aadaan”.

Guterres oo adeegsanaya luuqad aad u adag ayaa waxa uu si ballaaran uga digay in barokacayaasha “aysan lahayn guryo” iyo “in ay wajahayaan xaalad rajo la’aan ah taasoo walwal leh”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM