Tirada muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Sudan oo la shaaciyay

Image
Dadkaan ayaa, sidda ay saxaafadda warisay, waxay badankoodu asal ahaan kasoo jeeda Suudaan.

KHARTUUM, Suudaan - Tira-koobyadda soo baxaya ayaa sheegaya in ay Suudaan ku sugan yihiin xiligaan in ka badan 16 kun oo ah muwaadiniinta haysta dhalashadda Maraykanka, sidda ay muujinayaan warbixino ay qortay saxaafadda.

Dadkaan ayaa, sidda ay saxaafadda warisay, waxay badankoodu asal ahaan kasoo jeeda Suudaan iyaga oo laga soo sheegay qaybtood in aanay doorbidayn in ay xiligaan Suudaan ka baxaan.

Caasimada oo kaliya ma joogaan muwaadiniinta Maraykanka ee asal ahaan Suudaaneeska ah ee waxaa ay ku kala sugan yihiin dhamaan gobaladda dalka Suudaan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay marar kala duwan u dirtay digniino muwaadiniinta in aysan isaga safrin Suudaan.

La taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jacob Sullivan, ayaa sheegay in aysan xiligaan ciidamo nabad ilaalin ah u dirayn Suudaan balse oo kaliya uu Maraykanku sugan doono amniga safaaradiisa.

Maraykanka ayaa ku doodaya in illaa uu dagaalku joogsado ama uu garoonka diyaaradaha ee Khartoum furmo in aanay samayn karin hawlaha daad-gureynta ah.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa tiri: "Wax iska caadi ah ma ahan in laga soo daad-gureeyo dibada muwaadiniinta Maraykanka ah laakiin hadii arintaas laga fursan waayo ciidamadu Maraykanku waa u diyaar fulintiisa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM

Israel: Netanyahu Ka Badbaaday Isku Day Dil

Xiritaanka haweeneydan ayaa qeyb ka ah taxane ah isku dayo hore oo lagu fashiliyay in lagu dilo Netanyahu.

  • Caalamka

    23-07-2025

  • 01:43PM