Tirada muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Sudan oo la shaaciyay

Image
Dadkaan ayaa, sidda ay saxaafadda warisay, waxay badankoodu asal ahaan kasoo jeeda Suudaan.

KHARTUUM, Suudaan - Tira-koobyadda soo baxaya ayaa sheegaya in ay Suudaan ku sugan yihiin xiligaan in ka badan 16 kun oo ah muwaadiniinta haysta dhalashadda Maraykanka, sidda ay muujinayaan warbixino ay qortay saxaafadda.

Dadkaan ayaa, sidda ay saxaafadda warisay, waxay badankoodu asal ahaan kasoo jeeda Suudaan iyaga oo laga soo sheegay qaybtood in aanay doorbidayn in ay xiligaan Suudaan ka baxaan.

Caasimada oo kaliya ma joogaan muwaadiniinta Maraykanka ee asal ahaan Suudaaneeska ah ee waxaa ay ku kala sugan yihiin dhamaan gobaladda dalka Suudaan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay marar kala duwan u dirtay digniino muwaadiniinta in aysan isaga safrin Suudaan.

La taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jacob Sullivan, ayaa sheegay in aysan xiligaan ciidamo nabad ilaalin ah u dirayn Suudaan balse oo kaliya uu Maraykanku sugan doono amniga safaaradiisa.

Maraykanka ayaa ku doodaya in illaa uu dagaalku joogsado ama uu garoonka diyaaradaha ee Khartoum furmo in aanay samayn karin hawlaha daad-gureynta ah.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa tiri: "Wax iska caadi ah ma ahan in laga soo daad-gureeyo dibada muwaadiniinta Maraykanka ah laakiin hadii arintaas laga fursan waayo ciidamadu Maraykanku waa u diyaar fulintiisa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM