Tirada rayidka lagu dilay duulaanka Ukraine oo lasso bandhigay

Image
Dadka dhintay waxaa ku jira 294 carruur ah, sida laga soo xigtey warbixin kasoo baxdey OHCHR.

MOSCOW, Russia - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 10,000 ruux oo rayid ah, oo ay ku jiraan boqolaal carruur ah, ay hadda ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dagaalka Ukraine.

Ilaa hadda, 4,509 qof shacab ah ayaa lagu dilay 5,585 kalana waa lagu dhaawacay duulaanka, sidda uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR).

Dadka dhintay waxaa ku jira 294 carruur ah, sidda ay raacisay OHCHR. "Inta badan khasaaraha rayidka ah ee la diiwaan geliyey waxaa sababay isticmaalka hubka walxaha qarxa leh oo saameyn ballaaran leh," ayay tibaaxdey.

OHCHR ayaa ku dartey: "Madaafiicda culus iyo hababka gantaallada badan, iyo gantaalada iyo weerarrada cirka ayaa ku jira hubka culus". Hay'ada waxay tirokoobkan ku saleysan xog-uruurin maxali ah.

Garabka fulinta ee Midowga Yurub ayaa taageeray dalabka Ukraine ee heerka musharaxnimada EU. Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay Kyiv, wuxuuna u soo jeediyay inuu tababaro siiyo ciidamada Ukraine.

Ruushka ayaa geynaya ciidamo badan Severodonetsk iyo Lysychansk, laakiin difaaca Ukraine ayaa weli ah "xoog", sida uu sheegay Machadka Daraasaadka Dagaalka (ISW).

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada St Petersburg in dalkaasi uu ka gudbay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogay duulaanka dalka Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Caalamka oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran

Midowga Yurub ayaa ku tilmaantay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda, halka dalal ay ka mid yihiin India.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 10:53AM

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM