Tirada saxafiyiinta lagu dilay Gaza oo kor-u-dhaaftey 100

Image
Sidoo kale, in ka badan 50 xafiis oo warbaahin ah ay gebi ahaan ama qayb ahaan ay burburiyeen weerarrada Israel.

DOOXA, Qadar - Mas'uuliyiinta Gaza ayaa ku dhawaaqay geerida Ahmad Jamal Al Madhoun oo ahaa agaasime ku xigeenkii wakaalada Al Rai kadib weerar dhanka cirka ah oo ay geysatay Israel.

Dhimashadiisa ayaa ka dhigaysa tirada guud ee suxufiyiinta lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar ilaa 101, sida laga soo xigtay xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Gaza.

Sidoo kale, in ka badan 50 xafiis oo warbaahin ah ay gebi ahaan ama qayb ahaan ay burburiyeen weerarrada Israel. Samer Abudaqa oo ahaa sawir qaade AlJazeera Carabi ayaa ku jira dadka dhintay.

Tim Dawson, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka caalamiga ah ee saxafiyiinta, ayaa Al Jazeera u sheegay in ay ka xun yihiin "tirada aadka u saraysa" ee saxafiyiinta lagu dilay Gaza.

Dawson oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in aynaan "aragnay dhimashada saxafiyiinta intan la eg ee ku nafwaayay iska-horimaad kasta oo aan ka fikiri karo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM