Tiradda qaxootiga 2021 ku dhintay Mediterranean-ka oo la shaaciyey

Image
Dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay ayaa ka kala yimid dalal badan oo ku yaalla Waqooyiga iyo kuwa ka hooseeya Saxaraha.

GENEVA, Swizerland – In ka badan 3,000 oo qaxooti ah, tahriibayaal iyo magangalyo doon ah ayaa ku dhintay marinnada Mediterranean-ka iyo badda Atlantic-ga sannadkii hore, iyagoo isku dayaya inay Yurub galaan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga Adduunka Jimcihii.

Kumanaan Afrikaan ah ayaa sannad walba safarro dheer oo halis ah ku taga Yurub iyagoo inta badan kasii gudba Saxaraha, waxayna ka baxaan xeebaha woqooyiga Afrika iyagoo raacaya doomo yaryar oo macmal ah, waxaana dadkaasi ka cararayaan dhibaato, iyaga oo raadinaya nolol dhaanta tan ay ku sugan yihiin.

Sannadkii hore, UNHCR waxay sheegtay in 3,077 qof ay dhinteen ama la la’yahay, taas oo ku dhow labanlaab tirada 2020-ka.

"Waxaan arkeyna tirada dhimashada oo aad u sii kordheysa" ayay tiri Shabia Mantoo oo ah madaxa UNHCR oo shir jaraa'id oo ay ku qabatay magaalada Geneva. "Waa wax laga naxo." ayay raacisay.

Ilaa hadda sanadkan 2022, 553 oo qof ayaa lasoo wariyay inay dhinteen ama la la’yahay, iyaa oo intooda badan ku dhinteen marinka Bartamaha Mediterranean-ka, sida ay xogtani muujisay.

Dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay ayaa ka kala yimid dalal badan oo ku yaalla Waqooyiga iyo kuwa ka hooseeya Saxaraha sida Tunisia, Morocco, Mali, Guinea, Eritrea, Masar, Ivory Coast iyo Senegal iyo sidoo kale Iran, Syria iyo Afghanistan, sida ay sheegtay Mantoo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM