Tiro dad ah oo ku nafwaayay shil ay galeen diyaarado helikobter ah

Image
Warar horudhac ah waxay sheegayaan in diyaaradahan ay tababar ku qaadanayeen ciidamo.

WASHINGTON, USA - Tiro dad ah ayaa laga xabsi qabaa inay ku dhinteen kadib markii diyaarado helikobter ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ay ku burburtay degmadda Trigg ee gobolka Kentucky.

Warar horudhac ah ayaa tibaaxaya in shilkan uu dhacay abbaaraha 21:35 xilliga maxalliga ah (01:35 GMT) isla markaana illaa haatan la xaqiijin karo dhimashadda sagaal qof.

Milatariga gobolka ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay iyagu leeyihiin. Hase ahaatee, waxay ka gaabsadeen in ay bixiyaan fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta dhalisay shilkan.

Afhayeen u hadlay saldhigga milatari ee Fort Campbell ayaa carabka ku dhuftey in laba helikobtar oo nooca HH60 Blackhawk ah ay burbureen intii lagu jiray "hawlgal tababar oo caadi ah".

"Xaaladda shaqaalaha diyaaradaha lama garanayo hadda," ayay yiraahdeen. "Talisku hadda wuxuu diiradda saarayaa daryeelka xubnaha adeegga iyo qoysaskooda".

Badhasaabka gobolka Kentucky, Andy Beshear, ayaa laga soo xigtey in dhacdadan uu ku tilmaamay "mix naxdin leh" isla markaana uu tacsi u diray ehelada dadka geeriyoodey.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa waxaa lahaa qeybta 101-aad ee ciidamadda cirka Mareykanka. "Baaritaan ayaa socda si loo ogaado waxa sababay shilkan dhimashadda badan dhaliyey," ayuu kusoo xiray Campbell.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM