Tobanaan ku dhintey bas waday dad ka yimid aroos oo rogmadey

Image
Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in "uu la tiiraayoonayo qoysaska laga geeriyoodey". 

NEW DELHI, Hindiya - Ugu yaraan 25 qof ayaa dhimatay ka dib markii uu bas ku dhacay god ku yaal gobolka Uttarakhand ee waqooyiga Hindiya, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in ugu yaraan 40 qof ay saarnaayeen markii baska uu ka baxay wadada uuna ku dhacay tog ku yaala degmada Pauri Garhwal habeenimadii Talaadada.

Ilaa hadda, 21 qof oo rakaab ah ayaa la soo badbaadiyay ka dib hawlgal habeenimo ah oo ay hogaaminayeen ciidanka gobolka ee gurmadka masiibooyinka.

Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in "uu la tiiraayoonayo qoysaska laga dhintay". Baska ayaa siday dad aroos ah oo ka yimid Laldhang kuna socday tuulada Bironkhal ee Uttarakhand markii uu shilku dhacay.

Lama ogga sababta ka dambeysay shilkan diyaaradeed, balse maamulka gobolka ayaa sheegay inay baarayaan shilkan. Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Swatantra, Kumar Singh, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee ANI in hawlgal samatabbixin ah uu weli socdo.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay haRaaga baska oo yaalay meel u dhow buur dheer iyadoo shaqaalaha samatabbixinta ay gacan ka geysteen soo saarista dadkii badbaaday.

Madaxa Uttarkhand Pushkar Singh Dhami ayaa tibaaxay in dhammaan wax kasta caawin suurtagal ah la siinayo kooxaha samatabbixinta si ay u caawiyaan dadaalkooda.

Badbaadada waddooyinku waa mid aad u xun gudaha Hindiya, iyadoo in ka badan 100,000 ay sannad kasta ku dhintaan shilal ka dhasha darawalnimo xumo iyo waddooyin burbursan.

Basaska waa gaadiidka ugu caansan Hindiya, gaar ahaan magaalooyinka yaryar. Laakin hawlwadeenadu inta badan way jebiyaan xeerarka badbaadada waxay kordhiyaan xawaaraha gaariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM