Tobanaan ku geeriyoodey qarax ka dhacay Lubnaan

Image
Image
Image

BAYRUUT, Lubnaan - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhashay booyad shidaal oo ka dhacay magaaladda Akkar ee waqooyiga dalka Lubnaan, sida ay sheegtay hay'ada Laanqeyrta Cas ee Lubnaan.

Qaraxa ayaa dhacay goor hore oo Axadii ah waqtiga dalkaas waxaana muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan dab weyn oo ka kacay goobta ay wax ka dhaceen.

"Kooxaheennu waxay qaadeen 20 mayd ah iyo in ka badan 7 dhaawac ah oo ka dhashay booyaddii shidaalka ee AKKAR oo la geeyay isbitaallada aagga," ayay Laanqeyrta Cas ee Lubnaan ku sheegtay Twitter-ka.

Lubnaan ayaa hadda la kulmaysa shidaal yari aad u daran toddobaadkii la soo dhaafayna waxaa dhacay shilal badan ama dhacdooyinka la xiriira booyado shidaan oo la afduubtay.

Isbitaalada waaweyn oo war-saxaafadeed wadajir ah soo saarey dabayaaqadda asbuucii lasoo dhaafay ayaa ka digay in shidaalku ku yar yahay lagana yaabo in ay ku qasabto in ay xiraan xarumahooda.

"Xasuuqii Akkar kama duwana xasuuqii dekedda," ayuu ku yiri Ra'iisul Wasaarihii hore Sacad al-Xariri bartiisa Twitter-ka, isagoo tixraacaya qarax ka dhacay dekadda Beyruut sanad ka hor, wuxuuna ugu baaqay mas'uuliyiinta Lubnaan oo uu ku jiro madaxweynaha inay qaataan mas'uuliyadda oo iscasilaan.

Xariiri waa hoggaamiyaha ugu sarreeya siyaasiyiinta Sunniyiinta ah, diinta ugu weyn waqooyiga Lubnaan, wuxuuna si cad uga soo horjeeday madaxweynaha Lubnaan ninka lagu magacaabo Michel Aoun.

Gebran Bassil, oo madax u ah xisbiga uu aasaasay Aoun, ayaa bartiisa Twitter -ka ku soo qoray “quluubtayadu waxay la jirtaa qoysas ku sugan Altalil iyo Akkar caawa.” isaga oo tacsi u diraya qoysaska dadka dhintey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM