Todobo qof ay saddex kamid ah ay carruur yihiin oo duqeyn lagu dilay

Image
Duqeymaha ayaa ku soo beegantay iyadoo Ukraine ay weli la ciir ciireyso dhimashada ugu yaraan 50 qof.

LONDON, United Kingdom - Todobo qof oo saddex ka mid ah ay carruur yihiin ayaa lagu dilay magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine, sida uu sheegay duqa magaalada, xilli ay socdeen mowjado duqeymo cusub oo Ruushka ka yimid.

Duqeymaha ayaa ku soo beegantay iyadoo Ukraine ay weli la ciir ciireyso dhimashada ugu yaraan 50 qof oo ka dhacay xarun ciidan oo ku taal bartamaha magaalada Poltava Talaadadii.

Duqa magaalada Lviv Andriy Sadovy ayaa sheegay in Ruushku uu ku weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha hawada sare subaxnimadii Arbacada maanta ah.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah ilmo yar iyo labo gabdhood oo 9 jir ah iyo 14 sano jir iyo sidoo kale haweeney umuliso ka shaqeyneysay magaalada, sida ay saraakiishu sheegeen.

Qaraxyo ayaa sidoo kale laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Kyiv iyadoo difaacyada cirka ay la beegsadeen gantaalada Ruushka.

Dhanka kale, shan qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii la weeraray hotel iyo meelo u dhow oo burburay oo ku yaala magaalada Kryvyy Rih, sida ay sheegeen saraakiishu. “Ilaah baa mahad leh in qof walba uu hadda nool yahay,” ayuu yiri duqa magaalada Oleksandr Vilkul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM