Toogasho geeri sababtay oo ka dhacday dalka Mareykanka

Image

WASHINGTON, USA – Ugu yaraan afar qof, oo uu ku jiro canug yar, ayaa toogasho lagu dilay, hal qofna waa dhaawacmay kadib markii ay rasaas la isku dhaafsadey dhisme xafiis oo ku yaala gobolka California ee dalka Mareykanka, sidda uu xaqiijiyey taliska booliska.

Weerarka ayaa ka dhacay fiidnimadii Arbacada magaalada Orange iyadoo ruuxa toogashada geystay, oo aan ilaa iyo hada la ogeyn sababta uu falka u kalifay, waxaa toogasho ku dhaawacay sarkaal boolis kadibna loo qaaday isbitaalka, sidda uu xusay booliska, oo intaa ku daray in latuhunsanaha aysan kala caddeyn xaaladiisa saxda ah ee caafimaad.

Booliiska ma aysan soo saarin wax macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhibanayaasha laakiin waxay sheegeen in shaqsigii shanaad la dhigay isbitaalka.

Dhacdadu waxay ka bilaabatay ugu yaraan 5:30 galabnimo waqtiga maxalliga ah (00:30 GMT) dabaqa sare ee dhisme yar oo xafiis ku yaal Orange. Booliska iyo tuhmanaha ayaa rasaas isweydaarsaday, sida uu qoray wargayska Los Angeles Times.

Saraakiisha ayaa yimid iyaddoo xabaduhu ay socdaan waxayna goobta ka badbaadiyeen dhibanayaal iyo qaar ku jiray xaalad dhimasho ah. "Toogasho sarkaal ku lug lahaa ayaa dhacday," Waaxda Booliiska ee Orange ayaa ku tiri qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook.

"Xaaladda waa la xasiliyay mana jirto wax khatar ah oo shacabka soo food saartay," ayay ku dartay.

Falkaan wuxuu yimid ka dib laba toogasho oo geeri badan sababtay oo dhacdey oo horaantii bishii hore, kuwaasoo soo celiyey dood cusub oo ku saabsan tallaabooyinka xakameynta hubka ee Mareykanka.

Bishii Maarso 22, 10 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday dukaan raashinka lagu iibiyo oo ku yaal Boulder, Colorado, wax ka yar toddobaad markii nin toogasho ku dilay sideed qof, oo ay ku jiraan lix haween ah oo asalkoodu ka soo jeeday Aasiya, falkaas oo laga soo wariyey Atlanta, Georgia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM