Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa
Washington, Juun 8, 2025 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku digay miliyaneerka Elon Musk in uu wajihi doono “cawaaqib xumo aad u culus” haddii uu maalgeliyo musharixiinta Dimuqraadiyiinta ee ka soo horjeeda Jamhuuriyiin taageersan sharciga ballaaran ee miisaaniyadda xisbiga Jamhuuriga.
“Waa inuu la kulmaa cawaaqib xumo aad u culus haddii uu sidaas sameeyo,” ayuu Trump u sheegay NBC News wareysi telefoon ah oo la yeeshay Sabtidii, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahiyo nooca cawaaqibkaasi noqon doono.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inuusan dan ka lahayn inuu dib u heshiisiin la sameeyo Musk, kadib khilaafkooda dadweynaha ee dhawaan dhacay, waxaana uu si cad uga jawaabay “maya” markii la weydiiyay haddii uu rajeynayo inay xiriirkooda dib u hagaagi doono.
“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.
Ka dib markii ay si dadweyne isu kala fogaadeen, Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xisbiga Jamhuuriga uu haatan midaysan yahay sidii hore, isagoo intaas ku daray inuusan qorsheynin inuu la hadlo agaasimaha Tesla, isagoo yiri: “Waxaan mashquul ku ahay howlo kale.”
“Ma jiraan qorshayaal aan isaga la hadlo,” ayuu cadeeyay.
Trump ayaa dhaleeceeyay Musk isagoo ku eedeeyay inuu muujiyay “ixtiraam darro” ku aaddan xafiiska madaxweynaha, isagoo yiri: “Waxaan u arkaa arrin aad u xun, sababtoo ah wuu ixtiraam darro badan yahay. Ma aha inaad ixtiraam darro u muujiso xafiiska madaxweynaha.”
Khilaafka dadweynaha ee u dhexeeya Trump iyo Musk ayaa qarxay Khamiistii, kadib markii madaxweynuhu uu si kulul uga hadlay miliyaneerka oo ka soo horjeestay tallaabo siyaasadeed oo Jamhuuriga ay wadeen sababtoo ah saameynta ay ku yeelaneyso miisaaniyadda iyo deynta qaranka. Isku dhacaasi ayaa si dhaqso ah u fidiyay, isaga oo saameyn ku yeeshay Golaha Congress-ka iyo saamiyada Tesla.
Khamiistii, Musk ayaa taxane qoraallo ah oo uu ku beegsaday Trump ku baahiyay baraha bulshada X, iyadoo mid ka mid ah qoraalladaas oo hadda la tirtiray uu xusay xiriiradii hore ee Trump la lahaa Jeffrey Epstein oo ahaa dembiile galmo oo dhintay.
Markii Sabtidii looga jawaabay arrintaas, Trump ayaa ku tilmaamay in ay tahay “war hore” oo muddo sanado ah laga hadlay, isagoo intaa ku daray: “Xitaa qareenka Epstein ayaa sheegay inaan wax lug ah ku lahayn. Waa war hore.”
GAROWE ONLINE