Trump: Colaada Ukraine waxaan ku joojinayaa 24-saac gudaheeda

Image
Madaxwaynihii hore ee Mareykanka ayaa mar kale u ololaynaya in la doorto sanadka 2024-ka.

WASHINGTON, USA - Madaxweyne Joe Biden wuxuu ku hogaaminayaa Mareykanka "in la ilowsiiyo," sidda uu Donald Trump ka sheegay Shirweynaha Conservative ee ka qabsoomay Maryland maalintii Sabtidii.

Trump oo u ololeynaya in mar kala doorto 2024-ka ayaa balanqaadey in uu joojin doonto "in lacagaha canshuur bixiyeyaasha Mareykanka si nacasnimo ah loogu lumiyo dagaalo shisheeye".

"Anigu waxaan ahaa madaxweynaha kaliya ee tobanaan sano oo aan dagaal gelin," ayuu Trump ku yiri khudbadiisa dheer ee qaadatay ku dhawaad ​​​​labada saacadood.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa wuxuu ku andacoodey in haddii uu haatan xafiiska joogi lahaa "aysan jiri karin dadka ku dhintey Ukraine iyo Ruushka".

Bishii hore, Trump ayaa wacad ku maray inuu si degdeg ah u waci doono Moscow iyo Kiev, haddii dib loo doorto, isagoo ku adkeystay inuu si sax ah u garanayo waxa uu u sheegayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hoggaamiyaha Ukraine Vladimir Zelensky oo ah inay joojiyaan colaadda.

"Haddii aniga la i doorto waxaan colaadda ku joojin doonaa muddo 24-saac gudaheeda ah," ayuu Trump ku yiri hadal-jeedintiisa oo ay aad u baahiyeen warbaahinta Jamhuuriga.

Washington ayaa hormuud u ah ololaha Reer Galbeedka kula dagaalamayaan Ruushka isla markaana ay kula safanayaan Ukraine taasoo ku qasabtey Moscow in ay taageero ka raadsato dalalka saaxiibadda la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM