Trump: Iran qiimo culus ayay ku bixin doontaa dilka askarta Mareykanka
Washington – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay "qiimo badan ku bixin doonto" dilka askarta Mareykanka, kaddib markii dhowr askari oo Mareykan ah lagu dilay weerarro dhacay dhammaadkii toddobaadka.
"Mar kasta oo Iiraan disho askari Mareykan ah, waxay bixin doontaa qiimo ka badan dilkaas," ayuu Trump ku qoray baraha bulshada. Wuxuu intaas ku daray in amarkan loo gudbiyay Xoghayaha Dagaalka Pete Hegseth, Guddoomiyaha Taliyeyaasha Isku-dhafka ah General Daniel Caine iyo dhammaan hoggaanka ciidamada Mareykanka.
Hanjabaadda Trump ayaa timid saacado kaddib markii Mareykanku fuliyay habeenkii sagaalaad oo xiriir ah duqeymo uu ku beegsanayo Iiraan. Isla maalintaas, Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay geerida askari Mareykan ah oo ku dhintay Ciraaq xilli la burburinayay diyaarad drone oo laga soo riday Iiraan.
Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada laba askari oo lagu dilay dalka Urdun Jimcihii, xilli ay iska difaacayeen weerarro ay Iiraan ku qaaday gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones).
Tirada askarta Mareykanka ee ku dhimatay dagaalka socda ayaa hadda gaartay 17 askari, halka ku dhowaad 430 askari ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu billowday dagaalka shan bilood ka hor.
Toddobaadkii labaad ee dagaalka, Mareykanka ayaa sii ballaariyay duqeymihiisa, isagoo bartilmaameedsaday buundooyin, xarumo koronto iyo goobo kale oo muhiim ah oo ku yaalla Iiraan. Dhankeeda, Iiraan ayaa Isniintii weerarro ku qaaday dalalka Kuwait iyo Baxrayn oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada Mareykanka, oo ay ku jirto xarunta Ciidanka Badda Mareykanka ee Fleet-ka 5-aad.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu ka qeyb geli doono munaasabadda lagu soo dhoweynayo meydadka askarta lagu dilay, taas oo ka dhici doonta saldhigga ciidamada cirka ee Dover ee gobolka Delaware.
Trump ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku hanjabay inuu ballaarin doono bartilmaameedyada Mareykanka ee gudaha Iiraan, isagoo sheegay in la beegsan karo xarumaha tamarta, buundooyinka, xarunta dhoofinta shidaalka ee Jasiiradda Kharg iyo xarumo nukliyeer oo dhulka hoostiisa ku yaalla.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in mowjadihii ugu dambeeyay ee duqeymaha Mareykanka ay sidoo kale ujeeddadoodu tahay in la wiiqo awoodda milatari ee Iiraan ka hor hawlgallo waaweyn oo suurtagal ah.
Dagaalka sii xoogeysanaya iyo kharashkiisa ayaa la filayaa inay noqdaan qodobka ugu weyn ee looga doodi doono dhageysi Congress-ka Mareykanka ka dhacaya Talaadada, kaas oo ay hortagi doonaan Xoghayaha Dagaalka Pete Hegseth iyo General Daniel Caine.
GAROWE ONLINE