Trump: Israa'iil waxay luminaysaa taageerada bulshada caalamka

Image
Hadalka Trump ayaa imaanaya xilli maamulka Israa’iil ay ku hanjabeen in ay galayaan Rafah.

Washington (GO) - Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in Israa’iil ay luminayso taageerada bulshada caalamka, sababo la xiriira dagaalka ay ku hayso Qasa, wuxuuna ugu baaqay inay soo afjarto suulaanka.

Trump ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska “Israel Today" inuu uga jawaabi lahaa Weerarkii Xamaas ee 7-dii October si la mid ah sidii Israa’iil, balse Wuxu ka xumaaday in Shucuubta Caalamka aysan ka hadlin weerarkii 7dii Oct balse ay haatan hadal hayaan dagaalka Israa'iil iyo duqeymaha ay ka geysanayso Qasa.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sidoo kale jeediyay wax u muuqday dhaleeceyn ku aadan dacaayadda warbaahinta Israa’iil, wuxuuna sheegay in Israa’iil ay gashay qalad aad u weyn markii ay daabacday muuqaalada duqeymaha ay ka gaysaneyso Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM