Trump iyo Clinton oo New York ku guulaystay

Image

Iyadoo inta badan la tiriyey codadka doorashada hordhaca ah ee New York ee isreereebka xisbiyada Maraykanka, ayay Donald Trump iyo Hillary Clinton guulo ka gaareen.

Clinton ayaa si aan dhib badnayn uga badisay Bernie Sanders oo la tartamayey, waxayna u sheegtay taageerayaashiisa in ay jiraan wax badan oo midayn kara. 

Trump ayaa isna isu diyaarinaya inuu ku guulaysto ku dhawaad dhamaanba codadka 95ka ergo ee xisbiga jamhuuriga ee loo tartamayey ee gobolka uu ka soo jeedo. 

Khudbadiisii guusha ayuu Trump ku sheegay in Senator Ted Cruz xisaab ahaan marka la fiiriyo uu ka haray tartanka musharaxnimada xisbiga. 

Trump ayaa sheegay in dadka reer New York ay siiyeen guul muhiim ah.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM