Maraykanka: Trump iyo Clinton oo guulaysankara

Image

Waxaa gobollada dalka Maraykanka kasocota tirinta codadkii la dhiibtay ee ku aadanayd loollanka murashaxiinta kasoo jeeday xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga waddankaasi.

Warar hordhaca oo soo baxay ayaa sheegaya in labada murashax ee kala ah; Donald Trump iyo Hillary Clinton kasoo bixi doonaan labada Xisbi iyagoo loo saadaaliyay inay helayaan codadka dhawr gobol oo waddankaasi ka tirsan.

Ninka ugu cad-cad murashaxiinta xisbiga Jamhuriga Donald, ayaa ka horeeya ninka kale ee sida aadka ah ugu dhaw Ted Cruz, isagoo la filayo inuu helo codadkii laga dhiibtay gobollada Alabama, Georgia, Massachusetts, Tennessee iyo Virginia.

Balse, Cruz ayaa la filayaa inuu helo gobolka uu kasoo jeedo ee Texas iyo Oklahoma.

Dhinaca Dimuqraadiga oo ugu cad-cadahay haweenayda caanka ka ah siyaasadda Maraykanka ee Hillary Clinton, ayaa la filayaa inay doorashada kaga guulaysato ninka si aadka ah ula loollamay ee Bernie Sanders, waxaana loo saadaaliyay inay hesho codadka laga dhiibtay lix gobol oo waddaankaasi kamid ah.

Sanders, ayaa isagu heli doona sida la qiyaasay gobolka uu kasoo jeedo Vermont iyo  Oklahoma.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM